Dugsiga Barashada Cuntada ee Bilan Cooking Center oo ay xalaya ka qalin jabisay difaacadii 3aad +SAWIRRO

1
2314

Hargeysa, (HargeisaPress) — Munasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa Dugsiga barashada karinta cuntada ee Bilan Cooking Center ku qabtay xalay Hotel Safaari taas oo ay kaga qalin jabinayeen Araday baratay cunto karinta.

IMG_8718

Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha labaad  ee Golis European College Fadxiya Oomar Cismaan, Chef Maxamuud, Gudoomiyaha Bilan Cooking Center Marwo Badra Aadan X Diiriye, Aradayda qalin jabinaysay iyo Dadweyne aad u tiro badan.

IMG_8885

Gudoomiyaha labaad ee Golis European Fadxiya oo halkaasi ka hadashay ayaa ugu baaqaday haweenwenaha  iyo Raga Somaliland in ay u soo hiloobaan dugsiyada barashada cuntada si ay u soo saaraan ama u sameysataan cunto nafaqadeedu isu dheeli tiran tahay oo tayo leh taas oo bay tidhi lagu gaadhi karo caafimaad taam ah, sidoo kale Gudoomiyaha Bilan Cooking Center Marwo Badara ayaa iyaduna ugu baaqaday dumarka iyo ragaba in ay wax ka barataan dugsiga karinta Cuntada ee Bilan Cooking Center si ay u helaan bay tidhi cunto nafaqo leh,sidoo kale Najma Faarx Maxamuud oo ku hadlaysay afka ardaydii halkaa wax ka baratay ayaa u mahad celisay macalimiinteeda oo sheegtay in ay qaateen waxbarasho anficidoonta.

IMG_8665KAKAK

Ugu danbaytii waxaa halkaasi lagu soo bandhigay cuntadii ugu danbaysay ee ardaydu kariyaan ee ay kaga qalinjabinayeen dugsiga waxaa goobtaasi kaga tijaabiyey Chef Maxamud oo ah macalin ku taqaqusay kairinta cuntada oo imtaxaankaga qaaday cuntadaas, waxaana halkaa lagu gudoonsiiyey sadexdii Arday ee kaalmaha koowaad labaad iyo sadexaad galay abaal marino iyo shahaadooyin , Gudoomiyaha Bilan Cooking Center Marwo Badra ayaa shahaadada qalin jabinta ah gudoonsiisay Aradaydaa.

11230846_892204884151517_8062070623556824324_n

waxaa kaalinta kowaad gashay  Nimco Maxamaed Faarax, kaalinta labaad waxa gashay Najma Farxaan Maxamuud, halka ay kaalinta Sadexaadna gashay  Isra Axmed Cabdilaahi, gunaanadki ardaydu waxa ay galeen sawiro gaar ah  iyo qaar ay la galeen gudoomiyaha Bilan Cooking Center, Nimco Maxamuud Faarax oo kaalinta koowaad gashay ayaa iyada la gudoonsiiyey bilad dahab ah halka labada Araday ee ku soo xigana la guddoonsiiyey abaal marino qaali ah.

IMG_8746

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here