Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.

0
1240
Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan PHOTO

Hargeysa,(HargeisaPress) —Alle Ha,Unaxariistee Waxaa caawa goor dhawayd Cisbitaal ka Haldoor ee magaalada hargaysa ku Geeriyooday Marxuum Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo kamida ahaa Aqoonyahan Reer somaliland xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii Somaliland.

Marxuum Maxamed Rashiid sheekh xasan ayaa Xanuun lasoo darsay oo loo dhigay cisbitaal haldoor cugeeriyooday wallow uu mudo ahaa bukaan socod,

MARXUUM Dr Maxamed Rashiid sheekh Xasan ayaa Ahaa Alle Ha Unaxariistee wuxu ahaa Shaqsi caan ka ah gayiga somalida isagoo lagu xusuusto arimo badan  sida saxafi kasoo  shaqeeyay Idaacada laanta Afsomaliga Ee BBCda wakhtiyo xasaasiya waxaana lagu xasuustaa tabinta dhacdooyin iyo warar taariikhda galay iyo barmaamijyo xiiso leh.

Sidoo kale Marxuum Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan Wuxuu Musharaxa madaxwayne kuxigeen ka noqday xisbiga ucid Doorashadii Madaxtooyada2010.

Marxuum Dr Maxamed Rashiid wuxuu xilka wasiirul dawlaha Wasaarada arimaha dibada kasoo noqday xukuumadii Axmed Siilaanyo .

Taariikhda Marxuum Dr Maxamed Rashiid halkan kuma soo koobi karno Alla ha u naxariisto Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Waxa uu Ahaa Mujaahid, Saxafi, Suugaan-dhaadhi, Siyaasi iyo Aqoonyahan in badan Maskaxdiisa iyo aqoontiisa galiyay Qaranka Jamhuuriyada Somaliland  JSL.

Hawlwadeenada Shabakadda Wararka ee HargeisaPress Waxay Halkan tacsi Uga udiraynaa Shacabka Somaliland, Bahda Aqoonyahan, Saxaafada,iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay  Marxuum Maxamed Rashiid Sheikh Xasan dhamaan waxaan leeynahay samir iyo iimaan ilaahay kaha siiyo marxuumkana qabriga ha Unuuro. AAMIN.. AAMIN..AAMIN 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here