Dr. Gaboose Oo Ka Hadlay Khatarta Iyo Sifaha Lagu Garayo Qofka Uu Haleelo Cudurka EBOLA VIRUS, Fariin Culus-na U Diray Wasaarada Caafimaadka.

0
101

dr gabooseHargeysa,(HargeisaPress) — Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo kamida dhakhaatiirta reer Somaliland ayaa markii ugu horeysay si faah-faahsan uga hadlay khatarta cudurka EBOLA VIRUS oo ku dhaca dadka bini’aadamka ah,waxaanu tilmaamay sifaha lagu garanayo cidda uu cudurkani haleelo, isla markaana waxa uu fariin tallo ah u diray Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo uu kaga dalbaday inay bulshada wacyigelin fara badan ku baraarujiyaan.

Dr. Gaboose waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay oo uu maanta nuqul ka mid ah uu soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka ee HargeisaPress.com .Waxaanu qoraalkiisi u dhignaa sidan:

“Hadaanu nahay bahda cafimaadka xil Ba naga Saran umada .Waxaa Soo badanaya khatarta baahsan ee uu leeyahay cudurka Ebola.“Ebola Virus Diseasea waa xanuun ku dhaca banii aadamka, kaas uu sabab u yahay, Virus-ka loo yaqaan Ebola calaamadaha xanuunkani waxay bilaabmaan laba cisho ka dib marka qofka jidhkiisa virusku ku jiray sadex todobaad (Sitimaan), Calaamadaha ugu waaweyn ee uu leeyahayna waxaa ka mid ah, Xumad jidhka oo dhan ah, Madax xanuun, yalaalugo, matag, shuban, iyo in ay shaqada yareeyaan kelyaha iyo beerku, sidoo kale dadka qaar waxay isku arkaan dhiigbax, xanuunkan wuxuu ku gudbi karaa marka qof uu la wadaago qof kale dhiig ama dheecaamada jidhka, mararka qaarna waxaa gudbiya xayawaanada qaarkood oo weliba Virus-kan jidhkooda ku jiro sida Daayeerka, Xanuunkan wuxuu calaamadaha la wadaagaa, xanuuno kale sida Kaneecada, Daacuunka iyo xanuuno kale oo Viruses-ku hogaamiyaan, xanuunkan waxaa la ogaan karaa marka la arko calaamadihiisa, Ebola Virus Disease, wuxuu leeyahay ka hortag, daaweyntiisu weli maaha mid lagu guulaystay, marka xanuunku qof asiibo, waxaa loo bilaabaa dareere badan oo uu afka ka qaadanayo amaba xididka laga siinayo si loo ilaaliyo inaanu qofku fuuq bixin, sidoo kale waxaa muhiim ah in qofka la siiyo daawooyinka dhiig-joojiha ah, si looga hortago dhiig bax badan,waxaa intaa loo raaciyaa daawooyinka xanuun/Xumad baabiiyayaasha ah iyo weliba mararka qaar Antibiotics.

Baahsanaanta xanuunkan (Iminka) waxaa saldhig u ah waddamo badan oo Africa ah, si aad isaga ilaaliso inuu jidhkaaga galo Virus-ka Ebola, waxaad ku dedaashaa inaad gacmahaaga si fiican u dhaqdo/Maydho marwalba oo aad cunto cunayso, sidoo kale inaad ka feyjignaato inay xidhiidh dhecaan ama dhiig idin dhexmaro dadka xanuunkan la nool,

Ugu danbayn,Anigoo ku abtirsada bahda caafimaadka, waxaan talo siin lahaa madaxda wasaarada caafimaadka Somaliland iyo Soomaaliya-ba. waxaan leeyahay bulshadeenu aad bay u nugushahay,waxay u baahan yihiin wacyigelin aad u farabadan,waxaa jira dhalinyaro badan oo baratay cilmiyada caafimaadka ee aadka u khusayso wacyigelintan iyo wax ka sheega xanuunada noocan oo kale ah,fadlan ka shaqaysiiya oo u ogalaada inay fikrado iyo aqoonkorodhisiga idin la wadaagaan si ay beri dadkooda iyo dalkooda wax ugu taraan,waxaan u hambalyaynayaa Sarkaal ka tirsan wasaarada caafimaadka oo ka digay halista xanuunkan,laakiinse waxaan sarkaalkaa farayaa weli bulshada kuma fila wacyigelinta xanuunkan.”.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY