DP World Oo Shirkadaha Adduunka Uga Digtay In Ay Aaminaan Ismaaciil Cumar Geelle, Kuna Hanjabay Inay Maxkamad Caalami Ah La Tiigsan Doontaan Dawladiisa

0
987

Hargeysa, (HargeisaPress) – Shirkadada dekedaha Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa shaaca ka qaaday inay qaadi doonto dhammaan tallaaboyinka sharciga ah, si ay u difaacdo saamiga ay ku leedahay dekedda Doraleh ee dalka Jabuuti, kadib markii saamigaas oo ay si rasmi ah dowladda Jabuuti ula wareegtay sidoo kalena DPWorld waxa ay shirkadaha dunida uga digtay in ay aaminaan dawladda Jabuuti oo ay ku sheegtay mid aan qiimayn heshiisyada caalamiga ah ee ganacsi. “Jabuuti waxa ay si indho la’aan ah u jebisay sharciga caalamiga iyo qandraasyada ganacsi ee dunida” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed kasoo baxay DP World oo loo soo diray warbaahinta.

Xogo Wargeyska FOORE helay ayaa sheegaya in DP World ay sheegtay in go’aanka loo qaatay si loo diido amar kasoo baxay maxkamadda sare ee Britain, kaasi oo Jabuuti ka mamnuucaya inay ka baxdo heshiiska ay la gashay dowladda Jabuuti. “Maal-gashadayaasha dunidu waa inay laba jeer ka fekaraan maal-gaashiga Jabuuti, oo ay dib u qiimeeyaan heshiis kasta oo ay la galaan Jabuuti, sababtoo ah dowladda dalkaasi ma xushmeyso heshiisyada, waxayna wax ka bedeshaa iyada oo aan cidna ogeysiin” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ay soo saartay DP World.

Sagaalkii bishan, dikreeto madaxweyne oo uu soo saaray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku sheegay in dowladda Jabuuti ay si buuxda ula wareegtay dhammaan saamiyadii DP World ee dekedda Jabuuti. Qoraalkaasi Jabuuti ka soo baxay ayaa lagu yidhi “Iyada oo laga duulayo go’aanka ay hore madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay inay gabi ahaanba maamulka iyo maaraynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maareynta dekedda gacanta ku haysay”. Dowladda Jabuuti ayaa waxay si cad u xaqiijisay iney DP World aanay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda. 22-ka bisha February ee 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo sannadkii 2006-dii. Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey inay shirkaddaasi ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti.

Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo.

FOORE

LEAVE A REPLY