Dowladda Soomaaliya oo isku diyaarinaysa dagaal ka dhan ah Al-shabaab

0
920

President_Hassan_ObamaWashington ,(HargeisaPress) — Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay diyaarinayso dagaal ka dhan Al-shabaab, si ay uga saarto deegaannada ay kaga sugan tahay gobollada Somalia, kasoo billaaban doona maalmaha soo soscda sida uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay.

Wareysi uu madaxweynuhu siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters isagoo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in dowladdiisu ay qaadayso guluf colaadeed oo ka dhan ah A-shabaab.

“Qorshaheennu waa inaan billowno maalmaha soo socda colaad ka dhan ah Al-shabaa,” ayuu yidhi madaxweynaha oo intaas ku daray. “Waxaan rajeynaa in howlgalladaas ay noqon doonaan kuwo aan ku guuleysanno.”

Al-shabaab ayaa ka talisa deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo tan iyo markii laga saaray Muqdisho sannadkii 2011 ka geysanaysay caasimadda Soomaaliya iyo gobollada kale ee ay gacanta ku hayso dowladda dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay falalka ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho ayaa ku macneeyay kuwo ay ku dilaan dadka rayidka ah iyo xidhibaannada baarlamaanka, isagoo xusay in kooxo yar ay falalkaas geystaan.

“Falalkaas waxay muujinayaan daciifnimadooda,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha oo intaas raaciyay. “Juquraafi ahaan goobaha ay ka taliso Al-shabaab aad ayay u yaraadeen, taasoo ku qasabtay inay bedelaan qorshahoodii dagaal.”

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyay cabsida uu ka qabo inay kooxda Al-shabaab disho, maadaama ay dhowr jeer weerarro kusoo qaadeen xarunta madaxtooyada ayuu xusay inuu kalsooni ku qabo inaysan dili karin.

“Al-shabaab way isku dayeen inay aniga iyo madaxda sare ee dalka dilaan, balse taas kuma guuleysan, waxaana filayaa inaysan ku guuleysan doonin xilliyada soo socda,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay rajadooda ku aaddan shirka Afrika iyo Mareykanka ee Washington ka socda ayuu xusay inay faa’iido badan ka heli doonaan Soomaaliya ahaan. Wuxuuna xusay inay la kulmi doonaan madaxda Mareykanka qaarkood.

“Xidhidhka nagala dhexeeya Mareykanka waa mid aad u wanaagsan,” ayuu madaxweynuhu yidhi, wuxuuna ku daray. “Waxaana madaxda dalkan kala hadli doonnaa adkeynta xidhidhka noo dhexeeya.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid yahay in ka badan 50 madaxweyne oo Afrikaan ah oo ka qaybgalaya shirka Mareykanka iyo Afrika oo ah kii ugu horreeyay oo dhexmara Mareykanka iyo Afrika.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here