Dowlada Deegaanka Somalida Ethiopia Oo Xaqiijisay in la Sumeeyey Qaadkii ka Iman jirey Ethiopia

0
2294
Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore

Jig-jiga, (HargeisaPress) —Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore ayaa Xaqiijiyey in la sumeeyey Qaadka Haawadeega kaasi oo ka yimaada Deegaanka Oromada.

Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore waxaa Uu Bulshada isticmaasha Cunista Qaadka Uga Digay inay Cunaan Qaadkaasi Sumaysan,waxaanu sheegay inay Cispitaalka u yaalan in ka badan 23 Qof oo ku sumoobay Qaadka loo yaqaan Awadee.isla markaasina ay Bahda Caafimaadku Xaqiijiyeen in laga Helay Sunta lagula Dagaalamo Taranka.

Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore oo Arintaasi ka Hadlaya waxaa uu Hadalkiisa ku Bilaabay Sidan:-

Waxaa lay Xaqiijiyey In la sumeeyay jaadka Looyaqaano  HAWADEGA. Oo ilaa Imika Ay Dhakhtarada U Yaalaan Dad Badan Inta La Ogyahay Dadka Sumoobay Waa 23 ruux oo ilaa shalay  uun xanuunsaday kadib markay qayileen oo ay ku Sumoobeen  jaadka AWADEGA Oo dhakhaatiirtii Baadhay xaqiijiyeen Inay Tahay Sunta Lagula Dagaalamo Taranka.

Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Axmed Maxamed Koore  Waxaa Uu intaasi ku darey “Waxaa jira  Sidoo Kalana Dadka Ay Qaar Suntu Googooysay Beerka Oo Dhiig Hunqaacay”Hadaba waxaa lagu wargalinayaa dhamaan bulshada isticmaasha qaadka inay iska ilaaliyaan Cinista Iyo Jaadka HAWADEGA Cidkasta Oo Caafimaadkeeda. Ilaalinaysa.Ayuu yidhi Axmed Maxamed Koore

Geesta kale wasiirku waxaa Uu Dhambaal Tacsi Ah u direy dhamaan ehelkii iyo qoysaskii ay baxeen Dadkii Shacabka ahaa ee lagu Xasuuqay Deegaanka Haawaday.

Wariye Maxamed Jiciir Aw Axmed

Maxamed.jiciir@gmail.com

Jig-jiga/Ethiopia 

LEAVE A REPLY