Doorka Waalidka Iyo Waxbarashada Caruurta Qore: Yacquub Abdilaahi Omar

0
1520

Doorka waalidka ee waxbarashada ilmaha Hordhac Maqaalkan waxaan ku soo qaadan doonaa kaalinta waalidka ee waxbarashada caruurta iyo qodob muhiim ah oo ku sahabsan doorka waalidka ee ubadka . Waxbarashadu waa aas-aaska horumarka iyo nolosha taas oo uu qof kasta u baahan yahay inuu helo waxbarasho, waxaanay lagama maar maan u tahay nolosha iyo horumarka qofkasta iyo bulsho kasta, Horumarkuna waxa uu ku xidhan yahay heerka aqooneed ee qofka iyo bulshada. Wax kasta oo la rabo in laqabta waxay u baahan tahay aqoon iyo karti, Horumar wayn oo lagaadhaa waxay ku xidhan tahay aqoonta oo lagu dadaalo Waxaa si gaar ah loogu cadeeyey daarasado kala duwan in ka qayb qaadashada waalidka ee waxbarashada caruurta ay saacidi karto: Joogtaynta ardayga ee fasalka (improved attendance) U suuragelinta ardayga dhameystirka howsha waxbarashada ee guriga (Timely homework completion) waqtiga loogu talagalay Horumarinta tayada wabarshada ardayga (improved student achievement) Sare u qaadida hamiga waxbarashada (higher educational aspirations) Sare u qaadida tayada waxbarida ee barayaasha (improve teachers’ effective teaching) Doorka waaalidiinta ee waxbarashada caruurtooda, waxa si faahfaahsan loogu qeexay maansada soo socoto ee uu curiyeey Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) Hooyoy la’aantaa Adduunyadu hubaashii Habeen kama baxdeenoo Iftiin lama heleenoo Dadku uma hayaameen Dayax heego joogoo Sida haad ma fuuleen Xiddig hawd ka lulatoo Hawo laguma gaadheen Tixdan waxa abwaanku ula jeeday in hooyadu ama hoygu yahay dugsiga ugu qiimaha badan ubadka. Hadaba halkan waxaan uga soo jeedinayaa waalidiinta dhow qodob oo muhiim ah Waalidku waa in ay ogaadaan in guusha waxbrashada carurteena ay ku xiran tahay hadba inta aan juhdi la gelino waxbarashadooda iyo la socodkeeda. Waalidku waa in ay xil gaar ah iska saaran fahmida iyo barashada nidaamka waxbarashada iyo kaalinta ay ku yeelan karaan waxbarashada caruurta. Waa in aan ka abuurnaa guryaheena jawi munaasab u ah waxbarasho. Sida waqti goan in loo cayimo daawashada telefiishiinka iyo in haddii durufta saamaxdo la sameeyo meel gaar u ah waxbarashada. Sidaasi oo kale waa in waqti go’aan loo cayimo seexashada qoyska Waaa in aan xaqiijinaa subax kasta u diyaargarowga caruurta waxbarasho. Sida in la xaqiijiyo nadafada dharka, jirka, buugaagta, qalmaanta iyo in cunto u qaatan dugsiga Waa in caado laga dhigto in la weydiiyo caruurta marka dugsiga (school) ka yimaadaan waxii maalintaa kala soo kulmeen dugsiga, waxii ku adkaa, waxii uu aad uga helay iyo haddi loo soo dhiibay ee laylis ah Waa in la weydiiyaa caruurta natiijada ay ka heeleen imtixaanka laga qaaday. Waana in aan la dhaliilin hadii uu sheego in uu ku liitay imtixaanka. Haseyeeshe taa bedelkeeda waa in la weydiiya waxyabaha ku adkaaday, laguna dhiirigeliyaa in uu u diyaargroobo imtixaanada soo socda. Hadii ay kuu cadaato in ay duruustu ku adag tahay, geey meelaha laga caawiyo ardayda (homework centre) ama macalin gaar ah u qabo (home tutor). La saaxib ilmahaaga, markastana dhiriigeli. Ogow qofka waxbaranayo waa ilmaha ee adiga xoog waxba kuma bari kartid. Maadaama ay suurogal tahay in an maqaalkan akhrintiisa awood aney u wada helin dadka u baahan ,fadlan qofkii akhristow ku dabaq qoyskaada iyo siiba caruurtaada waalid Gabogabo. Waalid kasta hadii uu caruurtiisa uu qodobadaasi aan kor ku soo sheegay kula dhaqmo waxa hubaal ah in caruurta ay waxbarashadood wanaagsanayso maadaamo oo uu la shaqaynayo waalidkiisu . Ilmaha waalidkiisu aqoonta leeyahay waxa uu ka nasiib badan yahay ilmaha aan waalidkiisu aqoon lahayn ee mar kasta aan helay waalid ka caawiya xagga waxbarashada . Hadaba waalid la socoshada waxbarasha caruurta waxay kaalin way ka qaadataa hormarinta iyo caruurta waxbarashooda . Qore: Yacquub Abdilaahi Omar Hargeysa / Somaliland 063 448-43-54

Alla Mahad Leh 

LEAVE A REPLY