‘Doorasho ayeynu Galnay oo waa la Kala Guulaystay, Doonistii Dadka ayuuna Madaxweynuhu ku Yimi Xilka’

0
862
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Eng. Xuseen Ibraahim Buuni

Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta oo ka hadlay Madaxtooyada cusub ee loo dhisayo Somaliland, jawaab digniin ahna u diray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Eng. Xuseen Ibraahim Buuni, ayaa uga digay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI hadallada naxliga iyo shaqsi-weerarka ah ee ay sida caadifadaysan ugu jeedinayaan Madaxda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka oo saxaafadda kula hadlay Caasimadda Hargeysa maanta, waxa uu si gaar ah jawaab uga bixiyey hadallo ka soo baxay Afhayeenka Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mr. Barkhad Jaamac Batuun, kaasoo ku eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu dhaqaale aad u badan ku bixinayo guryo qasriyo ah oo uu ka dhisanayo Hargeysa.

“Waxa aannu halkan kaga jawaabaynaa oo aan doonaynaa in aannu wax yar ka nidhaahno hadallo muddooyinkii u dambeeyey iska soo daba dhacayey, kana soo baxayey masuuliyiinta xisbiga WADDANI oo ah dhaliil shaqsiyadaysan oo shaqsi-weerar ah (personal attack) oo ah dhaliil caadifad, xiqdi iyo naxli miidhan ka buuxo.” Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta.

Waxaannu intaas ku daray; “Axsaabta siyaasadda ee Somaliland ama xisbiyada mucaaridka ah door ayey ku leeyihiin runtii ah haddii ay jirto wax lagu dhaliilo siyaasadda Xukuumadda oo waxa aynu nahay dal dimuqraadi ah oo uu ka hirgalay nidaamka axsaabta badan oo laba xisbi ayaa mucaarid ah, xisbina waa muxaafid talada haya.”

https://youtu.be/Tnk0xKDBVl4

Hasayeeshee, waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI uu la soo baxay hab-dhaqan aan hore loogu aqoon xisbiyada qaranka Somaliland, gaar ahaan axsaabta mucaaridka ah, waxaannu yidhi; “Taariikhdu markii ay ahayd 7 bishan February 2019-ka, waxa hadlay Afhayeenka Xisbiga WADDANI, iyadoo aad arkayso in hadalkiisa ay caadifad iyo naxli shaqsi-weerar ah uu ka muuqdo…wuxuunna yidhi; ‘daaro ayuu dhisanayaa Madaxweynuhu.’ Waxa aynu nahay dal imminka muddo 27 sanno ah soo jiray oo hadda aynu sii gelayno sannadkii 28-aad, markaa inta ay soo jireen axsaabta siyaasiga ah ee Somaliland waxa jirta in xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI hadda lagu arkayo waxyaabo aan hore loogu aqoon xisbiyada mucaaridka Somaliland oo xisbiga WADDANI waxa lagaga dallacaa ama sumcad iyo qadarin lagaga helaa waxyaabo lagaga saqiiro xisbiyadii soo maray Somaliland iyo kuwa imminka jiraba. In madaxda qaranka la aflagaadeeyo oo la shaqsi caayo oo si caadifad iyo naxli badan ku jiro loola hadlo madaxda qaranka waa waxyaabo lagaga saqiiri jiray xisbiyada qaranka oo waxa jira wax la yidhaahdo xeerka anshaxa (code of conduct) oo xeerar qabanaya ayaa jira oo dhaqan iyo akhlaaqiyaad ayaa jira.”

Waxaannu intaas ku daray; “Axsaabta qaranku waxay dhaliilaan siyaasad ama aragti iyo hawl ay markaas gacanta ku hayso Xukuumadda ama xisbul-xaakimku, dhaliishaas oo ku salaysan wax run ah, lana taaban karo (fact and figures), markaa waxa weeyaan waxyaabo aan ku salaysnayn xaqaa’iqa oo iska caadifadaysan iyo wax naxli miidhan ka buuxo ayaad arkaysaa, markaa waxa aannu runtii ugu baaqaynaa Xisbiga WADDANI oo aannu u soo jeedinaynaa inay ka waantoobaan hadallada naxliga iyo caadifadda faraha badan ka buuxdo oo ay ku soo laabtaan, kuna soo noqdaan xayn-daabkii siyaasadeed oo waxa sharcigu u ogol yahay inay soo jeediyaan dhaliil xaqaa’iqa ku dhisan oo aad arkayso in aanay malo-awaal ahayn, waxaanan u soo jeedinaynaa inay waxyaabahaas ka waantoobaan.”

Wasiir-ku-xigeenka Qorshaynta, ayaa iftiimiyey in wixii hadda ka dambeeya aanay Xukuumaddu u dul-qaadan doonin hadallada xambaarsan naxliga, shaqsi-weerarka iyo caadifadda, kana baxsan anshaxa ee ay masuuliyiinta xisbiga WADDANI ku weeraraan Madaxda qaranka.

“Imminka wixii ka dambeeya ka dhegaysan mayno, kana dul-qaadan mayno in Kurayda yaryar ee WADDANI joogtaa (dhallinyarada xilalka ka haya WADDANI) ee aflagaadada iyo cayda lagu dallacsiiyey ee sare loogu qaaday in ay habeen iyo maalin walba ay TV-yada u soo fadhiyaan Madaxweynaha Qaranka, wixii maanta ka bilaabmana hadalka ay yidhaahdaanba caddayntiisa ayaa looga baahan yahay oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland haddii uu madaxtooyada u dhisayo meel qasri ah oo imminka gacanta lagu hayo inuu ammaan ku mudan yahay moonaaye dhaliil kuma mudna. Bilicdii qaranka ayaa la hagaajinayaa oo sumcadda iyo magacii qaranka ayaa kor loo qaadayaa ee maaha daaro uu isagu shaqsiyan u leeyahay oo uu si shaqsiyan ah u dhisanayo,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.

Waxaannu intaas raaciyey hadalkiisa; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga ayaa ugu sareeya qaranka oo waa summadda iyo astaantii qaranka oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waa nin dalkan taariikh ku leh oo ilaa imminkana waa Madaxweynihii talada dalka hayey. Doorasho ayeynu galnay oo waa la kala guulaystay, doonistii dadka ayuuna Madaxweynuhu ku yimi xilka, taas ayaannu talada ku hayaa.”

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY