Doorashayinkii Aduunka ka dhacay Sanadkan 2017 Iyo kaalinta Somaliland ka gashay

1
3233

Doorashayinkii Aduunka ka dhacay Sanadkan 2017 Iyo kaalinta Somaliland ka gashay

Prepared By Ahmedyasin Sh cumar Ahmed iyo Hamse Ahmed Salaan

Doorashooyinkan ayaa waxay ahaayeen kuwo ku tartamayeen xisbiyo iyo ashkhaas ku kala duwan afkaarta iyo mabaadii hadaba suaashu ayaa waxay tahay door noocee ah ayaa Somaliland ka gashay doorashooyinkii aduunka ka dhacay ?

Doorashadani waxay noqotay mid indhaha aan laga qarsan Karin Jariirada iyo telefiishanada caalamkuba soo bandhigeen ilbaxnimada iyo xadaarada ay xisbiyada Somaliland iyo umadda reer somallilandba uga qabsoontay ololihii iyo codkiiba si bilaa rabshad ah iyo hab caalami oo aan hore aduunka uga dhicin .

Biometric Voter registration(BVR)Kit oo ahaa hab ku cusbaa caalamka wadankii ugu horeeyay ee lagu tijaabiyaana uu ahaa Somaliland oo ah dal aan wali la aqoonsan.

Qaabkani waa mid indhaha la iska qaado “Somaliland is the first country globally to adopt iris recognition technology to register and identity  IRIS is like DNA  Telifiishanka caalamiga ah ee ka jira dalka Kenya la yidhaahdo RISE TV iyo AFRICANEWS ayaa si balaadhan u qaadaa dhigay qaabka IRIS-ka iyo suurtagalnimada dal yar oo aan dhaqaale iyo aqoonsiba lahayn.

IRIS waxaa suurtagal ka dhigay balaadhinteeda iyo hirgalinteedaba Dhaqaalaha EU du bixiyeen iyo shirkadda gaarka loo leeyahay ee dalka ka jira gaar ahaan Shirkadda TELESOM COMPANY oo si baaxad leh uga qayb qaadatay shirkaddani waxay suurta galisay nidaamka server-ka ee isku xidhaya gobol ilaa gobol tuulo ilaa tuulo goob ilaa goob in la helo isku xidhkooda waqti kasta ilaa goobkasta waxay u hureen in ay ka hawlgaliyaan shaqaalihii shirkadda u gaarka ahaa oo aan macaash ku qabin laakiin dalkooda ugu deeqay dhididkooda.

Somaliland doorashadani waxay sabab u noqon kartaa ictiraaf maadaama Doorashooyinka aduunka ka dhacay ka noqotay dalkii ugu doorashada wanaagsanaa si xor ah oo xalaal ah uga dhacday marka loo eego doorashooyinkii aduunka ka dhacay sanadkan 2017

Sanadka aynu ku jirno ee 2017 oo kaliya waxaa aduunka ka dhacay ugu yaraan 8 doorasho madaxweyne iyo mid baarlamaani ah taasi oo aduunka mid waliba saamaynteeda iyo sumadeedaba ku yeelatay waxaa waddamadaasi ka mid ahaa

  1. Kenya

Wadanka Kenya doorashadii ka dhacday bishii 8aad oo ay ku tartamayeen 2 xisbi ayaa maxkamadda dalkaasi laashay markii ay cadaatay in wax isdaba marin ka dhacday kuna baaqday in mid labaad la qabto taasoo mucaaridka dalkaasi diideen inay ka qayb galaan,arintaasi waxay sababtay qas iyo qalalaase dhac iyo boob dil intaba galabsatay oo ka dhacday dhamaan wadanka oo dhan waxaana ku dhintay dad tiro badan

  1. Liberia

 

  1. Ganbia

Wadanka gambia ayaa qalalaase xoogani ka dhacay ka dib markii madaxweynihii laga guulaystay ee yahya jaamac uu diiday inuu xilka wareejiyo isla markaana uu sheegay inuu doorasho kale qabanayo arintani waxay keentay in ururka ay ku bahoobeen wadamada jaarka la ah gambia hab military kusoo faro galiyeen si uu xukunka uga dago madaxweynaha laga guulaystay

  1. Germany

Doorashadii dalka jarmalka ka dhacday oo lagu tilmaamay mid aan dalka macno badan kusoo kordhin doonin kadib markii Gabadhii wadankaasi ka talinaysay Angela merker ay markii 4aad isku soo sharaxday in jagada raisal wasaaraha dalkaasi sii ahaato iyadoo dad badani arinkaasi kasoo horjeedsadeen taasina waxay sababtay in cod aad u hooseeya ka heshay doorashadii dalkaa ka dhacday waxaanay taasi khasab ka dhigtay in awoodii lala qaybsado oo lasoo dhiso dawlad awood qaybsi ah

  1. Ingiriiska
  2. India
  3. Venanzuala

Venenzuala ayaa doorashadii dalkaa ka dhacday axsaabtii mucaaridka ahaa ee dalkaa ka dhacday diideen natiijadii doorashaasi oo sheegay inay dagaal siyaasadeed la gali doonaan madaxweynahaa soo baxay

  1. Koonfurta kuuriya
  2. Haiti

Wadanka Haiti ayaa qalalaase ba-ani ka dhacay markii doorashadii halkaa ka dhacday hadheeyaya musuqmaasuq farabadani waxayna taasi keentay in taageerayaal mucaaridka ahi ay suuqyada iyo dhamaan dalka galiyaan bandoo.

  1. Somaliland

Somaliland Doorashadani waxay noqotay mid indhaha aan laga qarsan Karin Jariirada iyo telefiishanada caalamkuba soo bandhigeen ilbaxnimada iyo xadaarada ay xisbiyada Somaliland iyo umadda reer somallilandba uga qabsoontay ololihii iyo codkiiba si bilaa rabshad ah iyo hab caalami oo aan hore aduunka uga dhicin

 

Source-kan waxaan kasoo ururiyay Jariiradaha calamka TVyada Bbc iyo RISE TV Warbixintan waxaa igala qayb qaatay Suxufiga Madaxa Banaan ee Hamse Ahmed salaan Iyo Aniga Ahmedyasin sh cumar Ahmed

LEAVE A REPLY