Doorashada Madaxweyne Ee Puntland Oo Kaabiga Saaran Soddon Murrashax Oo U Tartamaya Iyo Saadaasha Shacabka Oo Deyro Ka Taagan Isbadel-La’aan (FAALLO)

0
1056
Murrashaxiinta u Tartamaya jagada Madaxweynaha

Garoowe, (HargeisaPress) — Doorashada Madaxweyne ee Puntland, oo ay siweyn isha ugu hayaan Guud ahaanba Soomaalida,gaar ahaana Shacabka Puntland oo Bilihii u Dambeeyay olalaheeda iyo Xamaasadeedu Si Xoog ah u Socdeen Islamarkaana, Doorashadii ugu Murrashaxiinta Badneyd ee Nooceeda ah ayaa Hadda lasoo gaadhey, kama dambeystii Kadib Markii Si Rasmi ah loo dhaariyay Xildhibaanada lasoo Doortey, ee Aqalka Golaha Baarlamaanka Puntland oo iyagu Sitoos ah ugu Codayn Doona Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Cusub ee lafilayo in ay Doorashadaasi ku soo baxaan.

Murrashaxiinta u Tartamaya jagada Madaxweynaha oo boqol jeer ka badan intii awal hore isu soo taagi jirtey, Tartanka Doorashada Madaxweyne ee Dawllada Puntland, ayaa Waxa sigaar ah loogu dhegtaagayaa islamarkaana u muuqata in ay Saamaynteeda leedahay, kamid ahaanshaha Murrashaxiinta ee Madaxweynihii hore Cabdiwali Cali Gaas oo Soo Maamulay Shantii Sano ee hore loo doortey Puntland, iyaddoo ay Wakhti xaadirkan Maamulkiisa ku gadaaman yihiin Duruufo Siyaasadeed,Mid Dhaqaale iyo Mid Xaalad Difaac intaba, Waxaana loo badinayaa in Rajada Shacabku Doorashadan ka filayaan aragtidoodu u badan tahey in Midha-dhalkeedu Noqdo isbadel Wax ka badela Halka uu Xiligan Taagan Yahey Guud ahaanba Mustaqbalka Siyaasadeed ee Puntland.

Inkastoo, ay jireen Dhaqdhaqaaqyo, Wakhti badan, Dood dheer, iyo Xafiiltan adag qaatey oo ku Wajhanaa Qaabkii loo Soo Xulay beelaha Dhexdooda Xildhibaanada Cusub islamarkaana, dareen badan iyo Saluugba ka jirey Majirun Wax dhibaato ah oo ka yimid In laga Soo Gudbo Xulistii, ku Dhawaaqistii 66ka Xildhibaan iyo Dhaartii Sida Rasmiga ah loo Dhaariyay, Waxaana si isdaba joog ah u Socda Fariinta iyo Dardaaranka loo Gudbinayo, in ay Xildhibaanada Dooranaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Cusub ee Puntland ay Doortaan, Murrashaxa ay u arkaan in Danta Dalka iyo Ta Dadka Reer Puntland kujirto hogaamintiisu, ay Si Daacad iyo Kalsooniba leh u Doortaan, una eegaan Puntland iyo Halka uu gaadhsiin karo.

Waxaanay fariimaha iyo Dardaarankaasi.loo Jeedinayo Xildhibaanada lasoo Doortey,oo ay Shacabka Culumaa,udiinka.iyo Siyaasiyiinta.lasoo jeeda Puntland dhamaantood ku aadan yihiin in Wali shaki ka jiro Dib usoo Noqoshada Madaxweyne Gaas,oo Talada Wali haya Sidoo kalena.loo Tuhunsan yahey, in uu Deegaano badan.Qeyb ka ahaa Xulistii Mudanayaasha, Inkastoo ay dhaliilo u jeediyeen Madaxweyne Kuxigeemkiisii Camey oo hada isaga laf ahaantiisu Murrashax ah, iyo Madaxweynihii hore ee uu Xilka.kala Wareegay Cabdiraxmaan-Faroole Arimaha ugu Waaweyn ee Xirsi Xidhka looga dhigayo Deyrada Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa Waxa kamid ah Marar hore oo uu Waebaahinta ka Xusey in aanu Doorashada isu Soo taageyn iyo Balanqaadkiisii Doorashadii hore oo uu Ku Sheegay, in uu Puntland ka hirgalin Doono, Doorashada Codka Shacabka balse aanu Ku Guuleysan iyo Waliba Qoddobada ugu Waaweyn Duristiisa oo ay Hordhac u Tahey Khilaafka u Dhexeeya Maamulkiisa iyo Dawllada Federaalka oo Kusoo Beegmay Xili uu Dhamaadey Mudo Xileedkiisii.

Sikastaba aha ahaatee, Saadaasha Shacbiga Puntland ee Ku aadan Doorashada Qasoomaysa Bishan Sideedeeda ayaa u badan hadalhaynta iyo Sida Xaaladu Noqon Doonto haddiiba uu Doorashadaasi ku Guulaysto Madaxweynaha hadda haya Xilka Cabdiwali Cali Gaas, in Dalku Xaalad kale galo ay Suurtagal tahey, Laakiin aaney Wax dhibaato aho iman karin haddii Isbadel

Cabdiraxmaan Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here