Doorashada ku celiska ah ee Maayirka Istanbul oo Saaka loo dareeri doono

0
984
Labada Musharax ee Imamoglu iyo binali oo loolan adagi dhexmari doono

ISTANBUL,(HargeisaPress) —Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa maanta oo axad ah loo ballansan yahay in ay magaaladaasi ka dhacdo doorasho taariikhi ah oo ku celis taas oo markale lagu dooranayo qofka noqonayo duqa magaalada Istanbuul.

Dadka degan magaalada Istanbuul ayaa bishii March ee la soo dhaafay u codeeyay duqa magaalada Istanbuul waxaana doorashadaasi ku guuleystay Ekram Imamoglu oo ka socday xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi CHP.

Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa laashay natiijadii doorashadii ka dhacday magaalada Istanbuul waxaana ay amar ku bixisay in lagu celiyo doorashada.

Xisbiga uu hogaamiyo Madaxweynaha dalka Turkiga ee AK ayaa u ololeeyay in lagu celiyo doorashada magaalada ugu weyn dalka Turkiga ee Istanbuul.

Imamoglu ayaa kaliya xafiiska Mayorka ka shaqeeyay wax ka yar 18 maalmood waxaana intaas kadib soo baxay amarkii maxkamadda ay ku laashay natiijadii doorashadii uu ku soo baxay.

Madaxweyne Erdogan ayaa u muuqda in uusan diyaar u ahayn in uu ogolaado in ay gacantiisa ka baxdo magaalada Istanbul, halkaas oo ah magaalada ugu weyn Turkiga, islamarkaasna ah xarunta dhaqaalaha.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here