Doorashada Ingriiska: Sidee ayay wax u dhaceen?

0
273
Doorashada Ingriiska: Sidee ayay wax u dhaceen?
Source Faalo bandhige

 

Doorashadii Ingiriiska ka dhacday shalay waxay guul aan la filayn oo u soo hoysay xisbiga Labour-ka iyo hoggaankiisa Jeremy Corbyn, waxaanay naxdin iyo qaadan-waa ku noqotay xisbiga Conservative-ka oo haystay aqlabiyadda baarlamaanka dalkaas iyo haweenayda hoggaamisa Theresa May oo doonaysay in ay noqoto Ra’iisal-Wasaare awood badan.

Maanta Conservative-ku ma haystaan aqlabiyadda Baarlamaanka. Theresa May-na  Ra’iisal-Wasaarenimadeedii cidhiidhi bay ku jirtaa in kastoo xisbigeedu uu wali haysto tirada ugu badan kuraasta baarlamaanka oo ah 318, halka Labour-ku ka haysto 261 iyadoo ay codadka intii ugu badnayd dhammaatay.

Labada xisbi ee waaweyn midkoodna ma gaadhin tirada lagu dhisi karo xukuumad oo ah 326 kursi, taas oo macnaheedu tahay waxa lagu qasbanaan doonaa xukuumad wadaag ah oo aan aad loogu kala itaal roonayn.

Sidoo kale, doorashadan waxa ka soo baxay baarlamaan lagu naanaysayo “hung parliament” oo ah baarlamaan aan cidina aqlabiyadda haysan oo la kala lulanayo, taas oo caqabad weyn ku noqonaysa go’aannada waaweyn sida ka-bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub.

Waxa haatan loo tartamayaa sidii loo kasban lahaa kalsoonida xisbiyada Scottish National Party oo haysta inta la og yahay 35 kursi, Xisbiga Liberal Democrat oo haysta 12 kursi iyo xisbiga Democratic Unionist Party “DUP” oo haysta 10 kursi. Conservative-ku waxay si gaar ah u xodxodanayaan xisbiga itaalka yar ee DUP si ay dawlad u soo dhisi karaan iyaga oo aan u baahan xisbiyada waaweyn.

Maxaa keenay doorashada?

Ingiriiska waxa khalkhal badan ku keenay codbixintii ay sannadkii hore kaga baxeen Midowga Yurub ee loo yaqaan Brexit-ka. Haweenayda Ra’iisal-Wasaaraha u ah Ingiriiska Theresa May maanta ka hor waxay haysatay aqlabiyadda aqalka baarlamaanka Ingiriiska. Laakiin waxay ku dhaqaaqday go’aan cawaaqibkiisu noqday “Wax badso wax beel bay dhashaa.” Waxay awoodi karaysay in saddexda sanno ee soo socda ay iska sii ahaato Ra’iisal-Wasaare, xisbigeeduna uu sii haysto aqlabiyadda baarlamaanka. Waxayse ku dhawaaqday doorasho wakhtigeedii laga soo hor mariyey iyadoo ka lahayd laba ujeeddo.

-In ay noqoto Ra’iisal-Wasaare ku jooga codka dadweynaha (Kursigan waxay dhaxashay markii uu is casilay David Cameron).

-Iyo in ay aad u sii korodhsato aqlabiyadda baarlamaanka si ay wada-xaajoodka ka bixitaanka Midowga Yurub  u gasho iyadoo haysata taageerada inta ugu badan shacabka Ingiriiska.

Iska daa in ay wax u soo kordhaane, waxay xisbigeedii ka galaafatay aqlabiyaddii baarlamaanka ee uu haystay. Su’aal baana hadda ka taagan iyada iyo Jeremy Corbyn oo ah ninka hoggaaminaya xisbiga Labour-ka kooda noqon doona Ra’iisal-Wasaare.

Sidoo kale muraaro-dillaaca maanta ka dhex jira xisbiga Conservative-ku waxay keeni kartaa in ay ku cadaadiyaan in ay is casisho Theresa May si uu xilka ugala wareego Boris Johnson oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ama David Davis oo ah wasiirka qaabilsan ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub. Waxay ku eedaynayaan in ay xisbiga u horseedday doorasho aan baahi keenin oo jar-iska-xoornimo ahayd.

Hase yeeshee Theresa May waxay ku adkaysanaysaa in aanay is casili doonin laakiin ay taxaaluf xisbiyada kale ka raadsan doonto.

Maxaa ka khaldamay xisbiga Conservative-ka?

Laba bilood ka hor uun bay ahayd markii doorashada goleyaasha deegaanka ay guulo taariikhi ah Conservative-ku ka soo hooyeen. Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay maxaa hadda khaldamay?

Marka koowaad waxa dhulka la galay maanifeestadii xisbiga ee ay dhawaan shaaciyeen taas oo ay ku sheegeen in ay miisaaniyadda ka yaraynayaan kooxo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dadka da’da ah isla markaana aanay diyaar u ahayn in ay miisaaniyad dheeraad ah geliyaan hannaanka caafimaadka ee dalkaas.

Waxa taas u sii raacday weerraradii  bilihii May iyo June-tan aynu ku jirno ka dhacay Ingiriiska ee ay dadka badani ku le’deen kuwaas oo ay fuliyeen kuwo loogu yeedho argagixisadu, taas oo bixisay sawir ah in aanay Theresa May awood u lahayn ka hor-tagga weerarrada argagixisada iyadoo lagu eedaynayo in ay tirada booliska iyo ciidamada sirta hoos u dhigtay.

Jeremy Corbyn ma noqon karaa Ra’iisal Wasaare?

Haa. Hoggaamiyaha xisbiga Labour-ku wuu noqon karaa Ra’iisal-Wasaare in kastoo aanay u fududayn maadaama uu u baahanayo in uu qanciyo xisbiga Scottish-ka iyo ugu yaraan hal xisbi oo kale. Waxase uga dhaw xisbiga Conservative-ka haddii uu awood u yeesho in uu qanciyo ugu yaraan hal xisbi?

Maxay doorashadani uga dhigan tahay ka-bixitaankii Ingiriiska ee Midowga Yurub?

Doorashadani hantaaq aad u weyn ayay gaadhsiisey siyaasiyiintii Ingiriiska ee u xusul-duubnaa in ay ka baxaan Midowga Yurub. Sababtoo ah ma haystaan aqlabiyadda Baarlamaanka sidaas daraadeed tallaabo kasta oo ay qaad is yidhaahdaan waxay u dabranaanayaan xisbiyada kale.

Waxa ka sii daran xisbigii Labour-ka ee muddooyinkii ugu dambeeyey dhulka yaallay ayaa haysta tiro kuraas ah oo aad u badan oo wax yar uun ka yar ta Conservative-ka. Taas oo ka dhigan in uu yahay awood aan si sahlan loo dhaafin karin arrimaha uu ka soo hor jeedo ee Brexit-ku ka mid yahay.

Saamayntii koowaad ee Brexit-ku durba way dhacday. 19-ka June ayaa loo ballansanaa in wada-xaajoodka koowaad uu bilaabmo. Waxa la rajaynayaa in Midowga Yurub ay ballantaas baabiiyaan maadaama duufaannada siyaasadda ee Ingiriiska ka taagani ay ilaa toddobaadka soo socda sii jirayaan walina aan la ogayn cidda noqon doonta Ra’iisal-Wasaare.

Ugu dambayn, doorashadani waxay guul weyn u tahay xisbiga Labour-ka, waxayna guul-daro u tahay Conservatives-ka, waxayna dib-u-dhac u tahay ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub, waxaana ka dhashay baarlamaan aan lagu kala awood badnayn oo la iska lulanayo. Waxaanaba dhici karta in ay xisbiyadu go’aansadaan in dhawaan doorasho kale la qabto si loo eego labada xisbi ee waaweyn in midkood soo baxo.

Source faalo bandhige

LEAVE A REPLY