Dood furan: Sidee waddan loo lexo-jecleeyaa?

0
702

Dood furan: Sidee waddan loo lexo-jecleeyaa? ________________________________________

Dooddani waxaa falanqayn doona aqoonyahano reer somaliland ah  kala jooga daafaha dunida gaar ahaan yurub,africa,asia, waxayna si toos ah isugu waydaarsanayeen barta facebook-ga waa kuwan akhyaarta doodda ka qayb qaadanayay

1- Mahamed Yuusuf Bidhiidh badda oo ahaa muwaadinka dooda furay ee mawduuca daadihinayay.

2-Ahmedyasin Sh Omar Ahmed Furre isaguna wuxuu si farshaxan leh isugu habeeyay dooddan nuxurkeeda.

3- Abdi Omar Mohamed

4- Fuad Abdi ismaaciil

5- Ahmed Kadleye

6-Agaasime Jamal A muse

7- Mohamed Abdirissaaq sh yoonis

8- Abdirashiid aadan.

9- Janta haji

10- Jama sool

11- saed Hussein

12-Ahmed yasin Jama

13- Mustafe Cali deeq

14- Mohamed soofe

15- C/risaaq xasan dalmar

16- Nasriina mohamed xasan

17-iid hasan musa

Hordhaca doodda

Waddan jacaylka ama Patriotism waa marka aad wadankaaga u hayso jacayl joogta ah iyo lexejeclo faro badan, taasoo keeni karta in aad naf iyo maalba u hurtid ilaalinta sharaftiisa, amnigiisa iyo daryeelkiisaba.Waa jacayl aad ku liqi kartid, uguna adkaysan kartid dhibka iyo qaladaadka gudihiisa kaa soo gaadha shakhsiyan.Waa jacayl aan lagaaga doorsan karin adduun iyo mansab meel kale lagaa siiyo toona. Haddaba talow sidee waddan loo jeclaadaa: ma dhalashadaa lagu jeclaadaa? Ma dheefta aad ka heshaa lagu jeclaadaa? Mise quruxda iyo wanaaggaa lagu jeclaadaa? Jawaabta ka hor, tusaalle uun aan soo qaato, 1987kii anigoo ardaynimo u joogay Italy ayaan maalin baakidh aan sigaar ka madhiyay waddada iskaga tuuray. Daqiiqado ka dib ayaa afar kuray-xoogle oo mid ka mid ah aanu iskuba kalaas ahayn iga daba yimaadeen iyagoo cararaya oo cadho badani ka muuqato. Si xanaaq badan ka muuqdo ayay iigu yidhaahdeen, “Ka soo qaad baakidhka xun meesha aad ku tuurtay oo saladda qashinka ku rid.” Xaqiiqdii, waan is maray oo cadho jiq noqday, oon markiiba tashaday oon is idhi waar talow aakhirana meel la tago lehe, nimanka mayska celisaa oo ma diida … misana Allaa caqliga ii soo celiyay oo waan ka garaabay in aan qalad sameeyay, soona qaaday baakidhkii oo meeshii loogu talo galay ku riday.
2
Wax yar bay ahayd, balse aniga wax aad u weyn bay ii tartay, wayna iga fakirsiisay oo dareen bay i galisay. Waayo ay dhalinyaradii i heshay ay sidaasi nadaafadda magaaladooda ugu dareemayaan ayaan is weydiiyay? Wax badan iyadoo haddana aad ii xasuusisay; daadkii Hargeysa soo rogman jiray ee orodoo xashiishka raaci lay odhan jiray iyo siduu daadkuna ubaba fogayn jirin ee guriga kale uun u hor dhigi jiray. Haddaba talow sidee waddan malaayiin qof ku noolyihiin ay dadkiisu lexo-jeclo isku mid ah ugu hayn karaan? Miyaanayse ka haboonayn horta in la is weydiiyo “waa maxay wax wada lahaanshuhu?” Tolnimada, maahmaah da’a weyn baa tidhaa ‘fiqi tolkii kama janno tago’. Waa hubaal in aynu wada qirayno dhismo bulsheedka ummaddeena ee tolnimada iyo sida loogu tiirsan yahay tolka ( social interaction) iyo siduu xayndaab u ahaa. Balse wali su’aashii way igu wareegaysaa ee tolkaaba isku si ma loogu lexejeclo qabay? Mise jawaabteedu ma fududa ee aan ku soo dhoweeyo in ay ila wadaagaan faallada qodobkan aqoonyahan.

Abdi Omar Mohamed Maxamed Yusuf Bidhiidh Badda marka hore aad baan kuu salaamayaa. Marka xiga, waa su’aalo qiimo leh oo u baahan in si qotodheer loo eego, waayo erayga dooddaada furaha u ah ayaa ah mid dareen badan xambaarsan. Waa arrin dabiici ah in wax kasta oo #jacayl lagu lammaaniyo uu dareen ku maranyahay ama ku dahaadhanyahay, gudaha iyo oogada sare labadaba. Sidaa daraadeed, in waddankaaga aad jeclaato waa in uu jiraa dareen carbisan oo ka damqanaya wax kasta oo dhaawici kara amaankiisa, horumarkiisa, jiritaankiisa, sharaftiisa, sumcaddiisa iyo bilicdiisa, iwm.; isla markaana u damqanaya muwaadiniintiisa, khayraadkiisa, deegaankiisa iyo makhluuqaadka kale ee ku nool.

Fuad Abdi Ismail Maxamed Yusuf Bidhiidh Badda Aad baan Ku salmayaa Wllo. waxaan aamin sanahay in caruurteena lagu bilaabo, qiimaha wadanka, jeclaanta wadanka, iyo in la noqdo wadniyiin dhaba.lana baro caruurta in ay iyagu masuul ka yihiin dalkooga wanagiisa iyo xumaantiisa. Waxaa muhiima in lagu bilaabo wadaniyada marka la yahay wakhtiga malcamada Ka hor grade 1 Ilaa heer jamaceed. Taasi waxay keentay in ay bartaan qiimaha wadanka. Waxaa mihiima in la ogaado wadaniyadu Waa wax la barto. Waxyahalaha aad ka iiga fakir siiya Waxaa ka mida, Waxaad arkaysaa qof dalkiisa difacaya ama qabanaya wax dalkiisa u dana tiyoo uuna rabin Wax magaca, Ama dheef ah, Markaa saa dadka Ku xeeran Ha noqdaan dad ay isku hayb yihiin ama saxiib yihiin waxaa lagugu horaysiinayaa waar hebel, Maxaa kaa soo galaya ? Maxaa kugu jira? Maxaa reerkiina ugu jira ? Taasi waxay keenaysaa in xitaa qof kii aynku dhalay in dantiisa dan ka wayni jiro uu niyad jabo taasina ay keento Maxaa kaa galay.


Ahmed Kadleye Marka hore salaan gobeed wll Mohamed, waanad ku mahadsan tahay qormadan qiimaha badan. wax kasta oo dalkani leeyahay waa wax jacaylkiisu dhiigeyga ku milan yahay – duuruuf adag baa ina bartay inaan sidaa u jeclaado dalkeenna. Haddaba si aanay wakhti dheer sideenaa jeceylka iyo lexejeclada dalkoodu ugu qaadan ummadda Somaliland khaasatan dhalinta waxaa muhiima in Wacyi gelinta looga bilaabo maalintay Iskuulka bilaabaan. Dabcan, dadka waaweyna aan lagala daalin wacyi gelin joogta ah. Sorry haddaan qoraalka idinku dheereeyey.

Jamal A. Muse Waa maqaal wanaagsan oo waddaniyad iyo xaqiiq dhab tilmaan sugaya. Waa qormo muujinaysa hal karnimada Maxamed Yusuf Bidhiidh Badda . Sxb marna indr oo haddana seeddi talooyinkan wax ku oolka ah lana waddaag oo marna ha naga daalin.

Ahmedyasin Sheekh  wax waliba waxay mudan yihiin in miisaankooda lala doonta dadku aragtiyaha noocan ah si dhaw ayay ku eegaan balse Mature society waxay ku tababaran yihiin jacaylka ay uhayaan dalkooda dadkooda iyo dantoodaba. Doodda hadii aan gudo galo good governance iyo good citizenship makala maarmaan way isku lamaan yihiin balse hadii aanay jirin maxaa xal ah ? Qofku wuxuu la koraaa waayaha iyo waaqica nolosha deegaanka iyo dadkiisa ku xeeran waxaana asal u ah tababarka ilmaha in lagu dhiso nidaam qaabaysan laguna abuuro wadaniyad jacaylka sidoo kale Manhajka waxbarasho oo isna qayb wayn ka ah in lagu jiheeyo lana baro xaqa uu dalkiisu ku leeyahay iyo ka uu isagu ku leeyahay lagu mudo irbad muwaadin oo aanu waxba ku doorsan.
Qaabkee ayaynu imika udhisanahay? Ma nahay bulsho lexo jeclo ka haysa jacayl u haya jiritaanka Somaliland? Qaabkee dib loogu soo celin karaa bulshada jacaylka wadaniyadeed?

Mohamed Abdirizak ASC Qoraaga Fikirkan Wanaagsan soo Gudbiyay Aad baan U salamayaa Kuma soo Koobi karo Halkan Fikir iyo Qoraalba Markay Noqoto Wadaniyada. Wadaniyadu Maxay Tahay. Waa Kuma Wadani. Intee inleeg ayaynu Fahansanahay Qiimaha Wadaniyada
1- Waalidka. Ilmaha yar Gacanta ku Haya ma ku Barbaariyeen Waxay Tahay Wadaniyadu. Iyo waxa uu Muwaadin ku Yahay ee uu kaga duwan yahay Ajaanibka jooga Dalkiisa. Ma la baray In Dhamaan Wax kasta oo Wanaaga u sameeyo dalkiisa . ma la Baray . Astaamaha uu dalkiisu kaga duwan Yahay Dalalka kale. Mala Baray Astaanta Calankiisa. Astaanta Qaranimadiisa. Ma la baray taariikhda Dalkiisu leeyahay Tii Gumaysigii ka horaysay ilaa Maanta. Mala Baray Dhaqanka Gaarka ah ee Umada dalkiisa ku nool Leedahay. waxaas oo dhan waa maya.

2- Waa Macalinka Oo ah Aabaha ama Hooyada Labaad ee Ubadka Ku barbaarin kara Wadaniyad Jacaylkeeda Halkaas Maado xataa Wadaniyada ku saabsan maba lahin Waana Meelaha Barbaarinta ubadka Lagu korin karo Xaga Wadaniyada iyo Qiimaha ay leedahay.

3- Qodabka 3aad Dawlada. Nidaamka Maamul ee Dalka ka jira. door intee leeg ayuu ka qaadan Karaa Waynaynta Iyo Qiimaynta Wadaniyadu waxay Tahay. Muwaadinka Maxaa Ku waajiba. Maxaa laga rabaa. Muwaadin Muxuu Yahay. Tusaale Yar so Qadanayaa Ardayda Jamacada dalalka Europe Wakhtiyada Firaaqada Yahiin Waxay ka shaqeeyaan inay Xashiishka Ka hagaajiyaan dalkooda. Way ku Farax san yahiin Inay qabtaan shaqadaa Waayo Waxay Qiimaynayaa Qiimaha uu leeyahay Wadaniyadu.

La soco …. Qaybta 2aad iyo gunaanadka doodda

 

Diyaariye Ahmedyasin sh Omar Ahmed furre

LEAVE A REPLY