Diyaaradda Boeing 737 oo shil gashay + SAWIRRO

0
1176
21 ka mid ah rakaab diyaaradda waxaa soo gaaray dhaawacyo

Diyaarad rakaab ayaa ku soo dhacday gobolka Florida ee dalka Mareykanka xilli ay ku soo dageysay garoon diyaaradeed.

21 qof oo rakaabkii diyaaradda saarnaa ka mid ah ayaa Isbitaalka loola cararay kaddib marki ay dhaawacyo shilkasi ka soo gaareen.

Diyaaradda 737 oo laga maamulo gigada diyaaradaha caalamiga ee Miyami waxay ka soo kicitintay saldhig ciidan oo ku yaalla Guantana bay ee dalka Cuba.

Rakaabka diyaaradda saarnaa waxay sheegeen in xilliga ay diyaaradda gigada soo caga dhiganeysay uu baraf aad u xooggan uu da’ayey kaddibna ay diyaraddu ka baxday waddadi ay ku dagi lahayd kuna dhacday wabiga St John.

136 qof oo rakaab ah iyo 7 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa diyaaradda wabiga ku dul dhacday laga soo badbaadiyey.

Duqa magaalada Jacksonville Lenny Curry ayaa shilkaasi marka uu dhacay kaddib boggiisa Tweetarka ku soo qoray “iney wax dhimasho ah jirin.”

Wuxuuna sida oo kale sheegay inuu madaxweyne Donald Trump uu la soo xiriiray uuna u sheegay xaaladda iney la socdaan wixi gargaar ah ee loo baahdana ay xukumaddiisu diyaar la tahay.

 

‘Xaalad argagax leh’

Haweeney ka mid ahayd rakaabka diyaaradda oo lagu magacaabo Cheryl Bormann, waxay shilka ku tilmaamtay mid aragagax leh waxayna sheegtay “Diyaaraddu marka ay lugaheeda dhulka taabteen kaddib iney kor u boodday oo ay ka baxday waddadi ay ku dagi lahayd sidaasina ay ugu dhacday wabiga.”

“Duuliyeyaasha diyaaraddana wey u suurageli weyday iney xakameeyaan diyaaradda oo ay ku celiyaan waddadi saxda ahayd ee ay ku dagi lahayd dhowr jeer ayey waddada ku soo celiyeen balse nasiib darro wey ka awood badisay ilaa ay marki dambe wabiga ku dul dhacdo” ayeyna sii raaciyey Bormann oo u warrantay CNN.

Maamulaha gigada diyaaradaha ee Jacksonville oo shir jaraa’id qabtay wuxuu sheegay “inuu shilka yahay mucjiso maadaamaa ay rakaabku ka soo gaarin dhimasho ama dhaawac halis ah intaba.”

Rakaabka diyaaraddaasi soo dhacday saarnaa waxay isugu jireen dad rayid ah qaar ka tirsan ciidamada Mareykanka.

Mareykanka oo horay u diiday duullimaadyada inuu ka joojiyo diyaaradaha noocoodu yahay Boing 737 Max 8 waxaa la filayaa iney wax weyn ka beddesho mowqifki hore uu ka taagnaa inaan diyaaradaha 737 duullimaadyada laga joojin.

BBC NEWS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here