Diyaarada Air Arabia oo xaqiijisay inay Fiisaha Imaaraadka ku Bixinayso Baasaboorka Somaliland

0
882
Diyarada air-arabia

Sharjah- Shirkada Diyaaradaha ee Air Arabia ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay fiisaha dal-ku-galka ee Imaaraadka Carabta ku bixinayso dhamaan  noocyada Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraal caawa lagu baahiyey barta Facebook ee shirkada Air Arabia leedahay, isla markaana, weriye Maxamuud Walaaleye u xaqiijiyey masuul ka tirsan Guddiga Maamulka ee xafiiska Hargeysa ayaa lagu sheegay fariin lagu shaacinayo adeega cusub ee shirkadu bixinayso, oo dhignaa sidan:

“Ogeysiin:  Waxa farxad noo ah inaan shaacino inaan xilligan bilownay siinta fiisaha (dal-ku-galka) Imaaraadka Carabta dadka sita baasaboorka Somaliland. Fadlan kala xidhiidh macluumaad dheeraad ah xafiiskayaga iibka oo ku yaal Cimaarada Deero Mall ee Hargeysa.

Hawshan bilaabmatay ayaa lagu sheegay inay ku timi dedaaladii xukuumadii hore Madaxweyne Md Axmed Maxamed Siilanyo iyo xukuumada wakhtigan ee Madaxweyne Md Muuse Biixi Cabdi u galeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka dublamaasiyadeed, dhaqaale iyo maalgashi ee labada wadan ee Somaliland iyo Imaaraadku wadaagaan, isla markaana hormood u ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire iyo wakiilka JSL ee Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Cumar

shirkada diyaaradaha Air Arabia ee fadhigeedu yahay imaarada Sharjah oo markii koowaad duulimaadyadeeda Somaliland bilowday 4 July, 2017, ayaa noqonaysa shirkadii ugu horaysay ee shaacisa inay baasaboorada JSL si toos ah ugu bixinayso fiisaha Imaaraadka, isla markaana meesha ka saaraysa shaki bulshada qaarkeed lagaga beeray muhiimada iyo faa’iidooyinka xidhiidhka  Somaliland iyo Imaaraadku leeyahiin bulshada labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here