Dilal Ka Dhacay Muqdisho Iyo Afgooye

0
748

Muqdisho (Hargeisa Press) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in rag hubaysan ay toogasho ku dileen Oday dhaqameed si weyn looga yaqaano degmada Afgooye oo lagu magacaabi jiray Xassan Yuusuf Baani.

Dilkan toogashada ah ayaa xalay ka dhacday meel aan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaala tuulada lagu magacaabo Sagaalaad oo wararka soo baxayaa ay sheegayaan inuu mar guddoomiye ka soo noqday marxuumka la dilay.

Raggii toogashada geystay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen waxaana goobta markii danbe gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale rag hubaysan ayaa la sheegay in xalay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ay ku dileen Nin magaciisa la yidhaa Saciid Cumar Xassan oo hore guddoomiye uga soo noqday maxkamada gobolka Shabeellaha hoose.

Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu tilmaamaa meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dilalka kooxaha hubeysan ay ku bartilmeedsadaan shaqsiyaadka hore xilalka uga soo qabtay dowlada Somalia, odayaasha dhaqanka iyo askarta Ciidamada ka tirsan.

 

Hargeisa Press.com/Muqdisho Somalia.

LEAVE A REPLY