Digniin Caafimaad: Isla Jir In Maalintii Ay Jidhkaaga Gasho Sonkor Ka Badan 50 Giraam

0
2278
surprising-food-sugar

Hargeysa,(HargeisaPress) — Hay’adda Caafimaadka adduunka ayaa ku talisay in qofku aanu maalintii cunin sonkor ka badan Kongton Giraam, oo qiyaas ahaan u dhigmaysa 12 Maqlaacadda yar ee shaaha ah (5 Millilitre). Sidoo kale xeeldheerayaasha caafimaadka ee ha’addu waxa ay aad ugu celceliyeen in sida ugu fiicani ay tahay in uu qofku maalintii cuno sonkor qiyaasteedu kala badh ka tahay inta aynu kor ku xusnay, oo macnaheedu yahay in sida ugu fiicani tahay in aanu qofku maalintii qaadan sonkor ka badan 6 maqlacadaha yaryar ee shaaha ah. Iyaga oo sheegay in ay taasi faa’ido caafimaad oo dheeraad ah qofka u keenayso.

Xeeldheerayaashu waxa ay ku taliyeen in sonkorta lagu samaysto cuntooyinka, mac-macaannada iyo xawladaha kala duwan ay dadku u raadsadaan wax kale oo halka macaanka u gala, iyaga oo dhinaca kalana sheegay in sonkorta laga digayo aanay ku jirin ta dabiiciga ah ee ku jirta khudradaha noocyadeeda kala duwan iyo caanaha.

Arrinta muhiimka ah ee ay xeeldheerayaashu sheegeen waa in jidhku aanu sidiisaba u baahnayn sonkorta caadiga ah, maadaama oo cilmi ahaan la xaqiijiyey in aanay sonkorto wax faa’ido ama adeeg caafimaad ah u lahayn jidhka, baadhitaannada cilmiga ah ee lagu sameeyeyna xaqiijiyeen in aanay sonkorto lahayn qiime cunt ama nafaqo oo jidhku si uun ugu baahan karo.

Dhakhaatiirta oo faahfaahinaysay sida ugu fiican ee ay tahay in qofku uu isaga joojin karo cunista sonkorto ay tahay in uu si joogto ah u dhimo xaddiga uu ka qaato, illaa heer ay maskaxdiisu la qabsato sonkor la’aanta. Sida lagu xusay warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Jazeera sonkorta ay saynisyahannadu tilmaamayaan ma’aha sonkorta tooska ah oo keliya, balse waxaa ku jira sharaabbada warshadaysan ee sonkorta lagu sameeyo oo aalaaba in sonkori ku jirto lagaga qoro dusha sare iyo dhammaan noocyada kala duwan ee cuntooyinka iyo cabbitaannada warshadaysan.

LEAVE A REPLY