Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha oo Walaac ka Muujiyey Dadka Ciidanku ku Laayey Hargeysa & Burco

0
1047
MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCO OO DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABAY 2017

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kooxda Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland, ayaa sheegay inay Walaac xooggan ka qabaan Dadka ku dhintay Rabshadihii ka dhacay Hargeysa iyo Burco 15-kii Bishan aynu ku jirno ee ay Booliska iyo Millateriga Somaliland Rasaasta nool u adeegsadeen, ka dib markii ay Muddaharaad sameeyeen Qaar ka tirsan Shacabka Taageersan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo maalintaa soo bandhigay Caddaymo ay sheegeen in doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 13-kii bishan Xisbiga Kulmiye ku shubtay, Komishankuna Cabashooyin ay u gudbiyeen ka jawaabi waayey.

Sidaa waxa lagu Sheegay War-Saxaafadeed Qoraal ah oo ay ku saxeexnayd Gudoomiyaha Kooxda Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha Somaliland Faa’isa Aw Cali Yuusuf. War-Saxaafadeedkaas Maanta soo baxay oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta HargeisaPress, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhignaa sidatan:-

“15kii November 2017 mudaharaad ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah Hargeysa, Burco iyo Ceergaabo kadib markii xubno ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay qabteen in “wax is dabo marini dhacday.” 13kii November 2017 ayaa Somaliland qabatay doorasho madaxweyne oo ay ku baratameen sadex xisbi.

Laba Qof oo rayid ah ayaa ku dhintay Burco, Afar kalena way ku dhaawacmeen, ka dib marki Ciidammada Ammaanka ee Booliiska iyo Ciidanka Qaranku ay fureen Rasaas ay ku kala eryayeen Dadka muddaharaadka samaynayay. Hargeysa Gabadh ayaa ku dhimatay ka dib markii Xabbadi ku dhacday, ugu yaraan Shan Qofna way ku dhawaacmeen.

Wasiirka Madaxtooyada oo hadlay wuxuu sheegay in xubno ka tirsan ciidammada ay dhaawacyo soo gaadhsiiyeen dadka muddaharaaday oo dhagxaan tuurayay. Magaalada Burco ciidammada soo dhexgalay si ay u kala dareeriyaan dadka muddaharaday waxa ka mid ah Ciidanka Qaranka (Military), sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ahaa.

Maalintii doorashada waxa muddo kooban la xidhay xubno mucaarad ah oo uu ka mid yahay Xamse Khayre oo ah madaxa ololaha Waddani ahaa oo lagu xidhay Gabiley, iyo Baashe Yuusuf Axmed iyo Faadimo Siciid oo ka tirsan madaxda Waddani lagu xidhay Hargeysa. Dhammaantood waxa la sii daayay isla maalintiiba.

Dhinaca kale, baraha bulshada ee interneetka ayaa la xidhay 13kii ilaa 17kii November. Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa hay’adaha amniga inay is xakameeyaan oo aanay isticmaalin wax rasaas ah oo ay kaga hortegayaan dad shacab ah oo mudaharaadsan sidoo kale Ciidanka Qaranka (military) waa inaanu soo dhexgelin arimaha ka dhacaya gudaha dalka iyo mudaharaadyada ay shacabku sameeyaan.

Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyadu inay isticmaalaan marino nabad gelyo ah oo aanay samayn wax rabshado ah. Wixii cabasho ah waa in lagu xalliyo si nabad ah. Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanku waa ururo iyo difacaayaal xuquuqal insaan oo u midoobay inay xaqiijiyaan inaan lagu tacadiyin xuquuqda dadka xiliga doorshada.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka ka soo baxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here