“Dhuuxa Qalinku Ka Aamusi Maayo Gabbood-fallada Ka Dhanka Ah..” BY FAALLO: Caloolay

0
159

caloolay“Dhuuxa Qalinku Ka Aamusi Maayo Gabbood-fallada Ka Dhanka Ah Xuquuqada Dastuurku Shacbigiisa U Dammaanad-qaaday…” FAALLO: Qalinkii  Maxamed A. Jaamac (Calooley)  

“ Xukuumadda Madaxweyne Siiraanyo Malagu Aamini Karaa Dalkan Iyo Dadkan  Taladooda Ku Aaminay, Mar Haddii Ay Ku Tumanayso Xuquuqdii Dastuurkoodu Siiyay una Dammaanad Qaaday in lagu dhaqo?

“…. Badanaa waxaynu maqalnaa   waddamada reer Galbeedka oo markay dareemaan waxyaabo khatar ku ah muwaadiniintooda oo lagu bar-tilmaameedsanayo ammaankooda oo  ka soo saaraya digniino iyo ammaro ay farayaan dadkooda.

In badan waxaynu akhrinaa waddan Hebel oo dadkiisa uga digaya in ay ilaaliyaan noloshooda isla markaana ka feejignaadaan in la bar tilmaameedsado amaba ay ka soo baxaan waddan hebel oo degenaanshihiisu deyro ku jiro.

Arrimahan aynu kor kusoo xusnay oo dhan waa xil saaran xukuumadda xilka u haysaa dadkaas kuwaas oo lagula xisaabtamo, gaar ahaanna ay garabyada bidixdu  si aan libiqsi lahayn indhaha ugu hayaan dhaq dhaqaaqooda. Xisbiyada Mucaaradka ah, Hayáddaha xuquuqal insaanka, sharci dejinta,  xeer-ilaalinta oo ka wakiil ah shacbigooda inay tusaan wixii dhaawacaya haykalkooda dawladnimo ayaa qaabilsan arrimahaas.

Sababta oo ah waxa la ilaaliyaa heerka iyo meeqaamka muwaadinku ku leeyahay dalkiisa iyo dowladiisa, isla markaana waxa masuul laga yahay oo lagula xisaabtamayaa hadba xukuumadda jirta sida ay u xafiday ama u xanaanaysay muwaadinkeeda oo ah ka loo shaqaynayo inuu dhawrsanaado, nolol fiicana ku noolaado, xukuumadda intaa laga waayana waa xukuumad kasoo bixi weyday shaqadeedii, dayacdayna dadkii ay masuulka ka ahayd ee ku aaminay nafahooda.

Waxba yaanu qalinku ila taraarin ee aan u dhaadhaco biyo dhaca qaddiyadan aan idiin hogatusayo iyo xilka iga saaran inaan  idinku baraarujiyo wixii xagtin ku noqon kara umaddeena.

Ujeeddada qoraalkani xambaarsan yahay oo ku wajahan ilaalinta muwaadiniinta reer Somaliland iyo xaqa dastuurkoodu siiyay isla markaana ay tahay in hadba xukuumadda talada haysaa ku ilaaliso balse  aanay u soo dhaafin xuquuqaha Dastuurku bixiyey  ayaa sida aynu la wada socono qaraxii ka dhacay dalka Jabuuti bishii shanaad ka dib, Dowladda Somaliland, Gaar ahaan hay’addaha amnigu [Wasaaradda Arrimaha gudaha, Ciidanka Booliska Somaliland iyo Hayádda Sirdoonka Somaliland]  waxay gudaha dalka    ka fuliyeen hawlgallo   loogu shaqaynayo Dalka Jabbuuti,  iyagoo u gudbiyey muwaadiniin laga qabtay dalka gudihiisa, kuwaas oo isugu jira dad rayid ah iyo dirawaliin ka xoog sada Jabbuuti iyo Somaliland.

Waxa ay ahaayeen tobon qof oo todoba ka mid ahi ay yihiin dirawaliinta gaadiidka loo yaqaano Qareen-googa, iyo sadex xubnood oo kale, halka afar kale oo laba ka mid ahi ay lamaane yihiin ilaa hadda lagu hayo waaxda baadhista dambiyada ee CID-da ee ciidanka Booliska Somaliland, kuwaas oo in Jabuuti loo gudbiyo ay isku mari waayeen Booliska iyo ehelada ay ka soo jeedaan dadkaasi.
Waxa is weydiin mudan muwaadin halkee ayay xukuumadda somaliland ka keentay awooda ay muwaadiniinteeda ugu gudbinayso iyo shuruucda u banaynaysa?, maxaa u dhexeeya shacabka iyo dowladdiisa? Muxuu ka qabaa Dastuurka Somaliland in muwaadiniintiisa loo dhiibo dowlad kale? Dastuurka Somaliland muxuu u damaanad qaadayaa muwaadiniintiisa?, suáalahaa ka dib hadii aynu u noqono waxa uu ka qabo Dastuurka somaliland iyo sida uu u dhawray ama uu u xafiday xuquuqda muwaadinka oo lagaga hadlayo hordhaca ama araarta dastuurka iyo in ka badan ilaa toban qodob oo ka mida qaybta xoriyaadka ee dastuurka, hordhaca dastuurkuna muwaadin waxa uu u dhigan yahay sidan:-
BISMILLAHI AL-RAXMANI AL- RAXIIM
ARAR: IYADOO UU AYIDSAN YA HAY go’aamaddi Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco ee 27dii April ilaa 5tii May 1991kii ee lagula soo noqday madax-bannaanida laga soo bilaabo 18 May, 91kii;
IYADOO UU KA SHIIDAAL QAADANAYO Shirweynihii Guurtida Beelaha Somaliland ee Boorame ee 24kii Jeniwary ilaa 25kii May 1993kii ee lagu guddoonsaday Axdiga¬ Qaranka, kaas oo:
– Waajibeyey in muddada kala guurka ah Ia diyaariyo, aftina loo qaado Dastuur Qaran oo beddela Axdiga Qaranka.
– Si cad u taabtay mabaadi’da Dastuurka iyo qaab-dhismeedka Dawladda lyada oo uu ku qanacsan yahay xaqa aan cidina ka duudsiyi karin ee uu u lee yahay aaya-ka¬tashigiisa.
IYADOO UU WAAYQ-ARAG U YAHAY cawaaqib xumada Dastuuraan ku salaysnayn caqiidada, dhaqanka /yo doonista ummadda ee lagu soo maamulayey muddo soddon sannadood ah;
IYADOO UU WAAYO-ARAG U YAHAY cidhib-xumada iyo dhibaatada xukunka ku dhisan talo-maroorsiga iyo keli-talisnimada ee dalku ku soo jiray muddo ka badan labaatan sannadood, kana feejigan dib-u-soo noqoshada xukun noocaas ah;
IYADOO UU XUSUUSAN YAHAY halgammadii isdaba jooga ahaa ee shacbiga sida kii Daraawiishta, Culimada Dunta, iyo Axsaabta;
IYADOO UU MAANKA KU HAYQ halgankii kululaa ee isbahaysigii ururka SNM hogaaminayey u soo maray dib-ula-soo noqoshada madax bannaanida ee loo huray naf iyo maalba si loo helo nidaam dawladeed oo ummadda nasteex u ah;
IYADOO UU HIGSANAYO dawladnimo ummadda wada deeqda, oo Ia mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad;

IYADOO UU YAQINSAN YAHAY in lagu gaadhi karo degganaansho iyo xasillooni waarta, is-waafajinta Ia is-waafajiyo dhaqan-maamuleedka dalka iyo caqiidada ummadda;
IYADOO UU AAMINSAN YAHAY in ummadda Somaliland tahay qoys wax walba wadaaga sida Diinta, dhaqanka, caadooyinka iyo afka, wax ay ku kala duwan tahay sinaba ujirin, diyaarna u tahay in ay wada dhisato dawlad ay u siman tahay;
IYADOO UU OGSOON YAHA Y in diyaarinta Dastuurku soo martay marxalado /yo gudd/yo kala duwan, oo ay ka mid ahayd guddidii isku-soo-dubbarididda Dastuurka ee Shirweynihi 3aad u xilsaaray isku shaandhaynta labadii nuqul taariikhdii 26/11/96, uguna dambaysay kaabiddii /yo wax-ka-beddelkii Dastuurka ee labada Gole Baarlamaan taariikhdiisu ahayd 30 ApriI 2000, laguna saleeyey arrimaha soo socda:¬
b. Shareecada Islaamka.
t. Go’aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag.
j. Isu-dheellitirrnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta; Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.
x. Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda (Decentralisai/on).
kh. Darnmaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah.
d. Qiimo-weynida nolosha qofka oo Ia imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.
e. Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha.
IYADDO UU SI FIICAN U DHUUXAY laf iyo ludba ararta iyo mucda Dastuurka:
¬Shacbiga Somaliland waxa uu halkan ku oggolaaday maanta oo taariikhdu tahay ———
isagoo adduunweynaha halkan ugu caddaynaya inuu Dastuurkan ka dhigtay Dastuurkiisa Qaran.

Haddii aynuka nimaadno hordhaca iyo waxa uu ka leeyahay muwaadinka iyo dhawrsanaantiisa, bal aynu u gudubno qodobada ka hadlaya xafidaada, xurmaynta, ilaalinta qofka, sharaftiisa, cirdigiisa. xuquuqdiisa jidheed iyo sida aan wax kasta oo dhaca dal kale aan loogu dhiibin karin muwaadin u dhashay dalka somaliland, balse dambiga lagu eedeynayo lagu baadhayo dalka gudihiisa isla markaana haddii wax lagu helo lagu maxkamadaynayo isla dalka gudihiisa.
Haddaynu hoos ugu degno oo aynu aad u bayaamino qodobada ka hadlaya xuquuqda muwaadinka waxa ka mida ugu horayn qodobka 24aad ee dastuurka Somaliland ilaa qodobka 35aad, oo dhammaantood ka hadlaya xuquuqda muwaadinku ku leeyahay dalkiisa iyo dowladdiisa.
Haddii aynu isla eegno qodobadan iyo mid kasta waxa uu ka leeyahay muwaadinka bal akhrite haddii aanad hore u akhriyin hadda ka boqo:-
QODOBKA 24AAD
XAQA NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA,
XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA
GALO XUQUUQDA AADAMIGA
1. Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
4. Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la’aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf
QODOBKA 25AAD
XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO
SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA
1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.
2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.
3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.
4. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.
QODOBKA 28AAD
XAQA DACWADDA & ISDIFAACA
1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u Ieh.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.
3. Xaaladaha xeerku tilmaamyo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa inuu bixiyo difaac lacag la’aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda
QODOBKA 33AAD
XORRIYADDA CAQIIDADA
1. Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo inuu qaato tu kale. Shareecadda lslaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa.
QODOBKA 35AAD
ISU-CELINTA EEDAYSANAYAASHA AMA
DEMBIILAYAASHA IYO MAGAN-GELINTA SIYAASADEED
1. Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si xeerka waafaqsan ee weydiista magangelyo siyaasadeed, waa Ia sun karaa haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xusan xeerka u dhigan magan-gelinta.
2. Ma bannaana in muwaadinka Somaliland loo dhiibo dawlad shisheeye.
3. Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa dambule ama eedaysane dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshiis dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka weydiistay celintiisa.

Dastuurka somaliland marka uu u damaanad qaaday Dastuurka somaliland Muwaadiniintiisa xuquuqahaas oo dhan, isla markaana xukuumadda Somaliland ay ku kacday waxyaabaha aynu kor kusoo xusnay, oo ay muwaadiniinteedu u gacan gelisay dal shisheeye oo anay xuquuq ku lahayn, sidii la doonana lagaga yeeli karo, suáashu waxay tahay bal muwaadin fikir oo xukuumadda hadda maamusha somaliland malagu aamini karaa muwaadiniiteeda, mar haddii aanay ilaalinayn ama aanay garanayn wixii qofka muwaadinka ahi xaq u ugu lahaa dalkiisa iyo kuxuumadiisa?, jawaabta oo koobani waa maya.
Si kastaba ha ahaatee waxaa waajib ku ah muwaadiniinta reer somaliland inaanay ka daba hadhin waxaa dhacay iyo muwaadiniintaa xuquuqdooda lagu gafay, sababta oo ah ma jirto cid reer somaliland ah oo damaanad ka haysata inaanay ku dhicin ama lagula kicin waxaa qayrkood ku dhacay ama walaaladooda ay ku wada dhaqay yihiin dalkan Somaliland.
Waxa aan kusoo gabogabaynayaa qoraalka faalladan in si wada jir ah oo ay kaga midaysan yihiin qaybaha kala duwan ee Bulshada sida:- Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Xisbiyada Mucaaradka ah, Siyaasiyiinta Madaxa Bannaan, Wax-garadka, Culimada iyo shacbi weynaha reer Somaliland ay cod dheer ku cambaareeyaan falalkaa ku dhacay muwaadiniintaas reer somaliland ee lagu dhex dulmay dalkooda, isla markaana lagula kacay wax ka baxsan shuruucda Qaranka, sidoo kale waa in sida ugu dhakhsaha badan loo daba galaa dambiga ay qaranka ka galeen iyo muwaadiniinta itaalka daran ee reer somaliland isla markaana maxkamad la hor geeyaa cidii ku kacday gabood-faladaa ka dhanka ah xuquuqda muwaadinka reer Somaliland iyo waxyaabaa foosha xun ee Qaranka lagu khiyaameeyay (Khaayinul Wadan) isla markaana Qaranka lagu duminayo oo ay ugu horeeyaan xubnaha kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland iyo Taliyaha Hayádda Sirdoonka Somaliland oo dhammaantood ku kacay gabood falladaa ka dhanka ah shuruucda iyo dastuurka Somaliland, haddii hadda wax laga baqan waayana waa inaan laga hadhin haddii ay kasoo wareegayaan boqol sanno, ilaa inta nimankaa lagu ciqaabayo dambigay ka galeen qaranka iyo muwaadiniintiisa.

 

LEAVE A REPLY