FAALLO: DHISMAHA DAWLAD WANAAGSAN IYO MUHIMADA DOORASHADA

0
651

 

Video by Stive mckinleyWaa maxay sababta aynu u codaynayno? Ma baahibaa keentay inaynu doorasho galno? Maxaynu ka rabnaa cida aynu codka siinayno ? dawlada soo socota maxaynu ka rabnaa?

Faallo miisaaman oo aan dhinac ujanjeedhin musharixiinta si isku mid ah usoo tabin doona,markaad akhrido faaladan Videoga hoosta yaala daawo

Halkan waxaan ku falanqayn doona sababaha inagu kalifay inaynu doorasho galno, muwaadinkastaa waa in uu ogyahay faaidada dawladnimadu ay leedahay iyo xaqa uu muwaadinku ku leeyahay dawlada, dadku way isku wada jiraan, qaarbaa quustay oo ka qancay inay cid doortaan qaarna wali way yaaban yihiin oo wax ka lumay waxay dooran lahaayeen siduu uu eekaanayo, hadaba waqtigu wuu socdaa, meel laga soo noqdana ma jirto Somaliland doorasho ayaa ka dhici doonta Nov2017 waxaa tartamaya saddex xisbi oo kala hogaaminayaan 3 musharax, ha inkirin waaqica laakiin adaa lagaa rabaa sidaa ula jaanqaadi lahayd,kolay ama wanaag ka filo ama xumaan adiga ayay ku matalaan hadaad codka la bakhayshana kadaroo dibi dhal weeyaan, isku day inaad ogaato qiimaha codkaagu leeyahay si aad miisaanka u saarto sadexda musharax ee miiska saran.

Dawladnimadu waa nidaam ku dhisan rabitaan kasoo fulay shacab u baahan in loogu shaqeeyo dantooda caamka ah ee khusaysa tayada noloshooda, dawladnimadu waa sunne wanaagsan oo diinteenu inagu adkaysay waxay ka bilaabantaa 2,3, ilaa malaayiin meesha aad 3 ku joogta mid hogaan ka dhigta ayaa nabigu ina faray CSW.

Nolosheenu maaha madadaalo,iyo muusig waxaynu ka koobanahay caruur,dumar,maati u badan xaalad adag ku jira waxaynu u qalanaa in aynu si miisaan leh u doorano cida aynu ku tuhmayno hogaamin maanta xaaladan yaan indhaha la iska qaban,barina ha calaacalin ee goaan wanaagsan qaado u codee cida ugu mudan ee ina hortaagan.

Hadaan hoos uga dhaadhaca dulmarkaas , Xisbiga Kulmiye waa xisbi xaakimka maanta hogaanka haya wuxuu wataa musharax Muuse biixi oo muddo badan soo halgamayay sidii uu mar uun hogaanka sarre ee dalkan hiigsan lahaa, wuxuu leeyahay waayo aragnimo waqti dheer oo watay waayo badan oo qalafsanaa lagasoo bilaabo halgankii ilaa somalilandta maanta taagan wuxuu qayb wayn kazoo ahaa dib u xorayntii dalka,dib uheshiisiintii qabaailka,siyaasiga,iyo shaqadii uu kazoo qabtay dawladii M igal

hadaba muuse maxaan ka filan karnaa?

Ma yahay nin ku haboon waaqican cakiran in la doorto ?

Si aad jawaabta u hesho miisaan wanaagsan saar , waxaa jira qodobo hortaagan oo dadku qaar imtixaanka ay qaadayaan dhibco kaga goosanayaan waa kuwee

  • Waa nin adadag
  • Kulmiye waxaa noogu filan dawlada maanta taagan
  • Maaha nin diblamoosi ah, iyo qaarkaloo badan .

Dadka qaar waxay iyaguna ku doorbidayaan muuse inuu noqdo madaxweynaha soo socda waa sidda tann

  • Waa nin go aan qaadasho leh waaqica maanta aynu joognaana waa mid hogaan goaanleh u baahan.
  • Waa nin aan hogaanka xisbiga mooyee aan xukuumadahii soo taagnaa aan lahayn awood sarre oo goaan uu ku rido, taasi oo meesha ka saaraysa in dhibaatooyinka xukuumadan maanta tallada haysa isagu lagu miisaamo, waxaynu usoo taagnayn wasiiradii isaga tartanka ku hayay oo sida laga hayo rabay in muuse meesha ka saaraan.
  • Waa nin aan qabiili ahayn laakiin yaqaana qabaailka daga Somaliland waxay galaan ama gudaan hadii aan tafaasiil dheeraad ah kusii darro taasi waxaan odhan karaa qabiili maaha micnaheedu way cadahay muuse malaha ficil qabiil oo uu ku garabsiiyo cida ay is xigaan, dagaalka ugu badan cida kula jirtayna waa qabiilka uu ka dhashay.
  • Waa nin nidaam adag oo meel lagu gaadho dhisi kara leh aqoonteedii leh kartideedii iyo ku dhiirashadeediiba.
  • Waa nin sabir badan oo dhawr iyo soddon sanno u sabrayay inuu gaadho meesha uu rabo maanta casharo badana kazoo bartay.

Marka la eego dhibta taagan ee afku xooglaha leh qabyaalada leh,qoqobka leh ee bulshadeena gadhwadeenka ka ah cida kaliya ee ina dhaafin karta marxalladani waa nin adag oo goaan leh oo aan lahayn dabeecad inuu qofwalba qanciyo laakiin leh inuu abuuro jaranjar wanaagsan oo uu ku dhaafo waayahan adag.

  • Muuse waxaa looga fadhiyaa aragtidii hogaamineed ee uu aqoonyahanka maanta jooga iyo awooda tiro ee dad uga faaidaysan lahaa si uu u gaadho yoolka dib u dhiska bulshada iyo dalkaba
  • Dib u dhiska hayadaha dawliga ah sida hayada caafimaadka, waxarashada, sharciga, dib u dhiska xisbiyo qaran oo tayo leh, dhaqaalaha wadanka,tayaynta shaqaalaha dawliga, iyo shaqo abuurkaba.

La soco qaybaha danbe …………………………………………………………….

WAXYAR DAAWO VIDEO-GAN DAAWO

HARGAYSA OFFICE

Diyaariye: ‘Danwade’ is a group of Somaliland citizens want to contribute their energy to their country

LEAVE A REPLY