Dhallinyaro iyo Aqoonyahan Deegaanka Bariga Hargeysa ah oo Kulan la Qaatay Murrashaxa iyo Hoggaanka KULMIYE + SAWIRRO

0
1379

Hargeysa, (HargeisaPress) — Aqoonyahan iyo dhallinyaro badan oo ka soo jeeda deegaannada bariga Hargeysa iyo degmooyinka Sabowanaag iyo Cadaadlay ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa kulan ballaadhan la qaatay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka sare ee xisbiga.

 

Dhallinyarada iyo aqoonyahanka oo isugu jiray rag iyo dumarba, ayaa kulanka oo qabsoomay xalay waxay Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee xisbiga kala hadleen taageeradooda oo ay caddeeyeen inay si buuxda u garabtaagan yihiin xisbal-xaakimka iyo murrashaxiisa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi.

 

Xubno badan oo ku hadlayey afka aqoonyahanka iyo dhallinyarada ka qaybgashay kulanka waxay isku raaceen inay jiraan arrimo badan oo ay ku doorteen murrashax Muuse Biixi oo ay kaga door-bidayaan kuwa kale ee la tartamaya oo ay ka mid yihiin inuu yahay masuulka ugu mudan waqtigan ee lagu aamini karo hoggaaminta waddanka aqoon ahaan, karti ahaan, waayo-aragnimo iyo hoggaaminba.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo la hadlay aqoonyahankaasi, ayaa uga warbixiyey xisbiga KULMIYE iyo muhiimada taageeradoodu u leedahay, waxaanay u hogo-tusaaleeyeen in xisbigu yahay mid la wada leeyahay oo ay ka mid yihiin dadka fikir iyo taloba ku leh horumarkiisa iyo guushiisaba.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna uga mahadceliyey aqoonyahanka iyo dhallinyaradaasi taageerada ay u muujiyeen, waxaannu soo dhaweeyey aragtiyaha ay u soo jeediyeen.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY