Dhaliil Looma Baahnee Dhulkaaga Dhis

0
1614

Waxa wadan kastaba dhista dadkiisa oo uu dadaalkiisa maskaxeed, Aqooneed , muruqeed iyo maalba geliyaa sidii uu u horumarin lahaa .
Hadaba waxa inaga inalooga baahan yahay inaynu ku mashquulo dadaalka iyo karti maskax aqooni ku dheehan tahay sidaan u gelin lahayn uguna hagar bixi lahayn dhismaha dhulkeena.

Aan dib u milicsado mawduucayga dulucdiisa ah dhismaha dalkeena ,dhinac kastaba ha noqotee waa inaynu u guntanaa, waana in aynaan ugu mashquulin wax micno la’aan ah oo meel inoo wadayn , dhaliilna waxba matartee , kartibaa waxtar leh.
Bulshadeenana waxa looga baahan yahay in aynu ka wada qayb qaadano horumarka iyo dhismaha dalka .
Waxii lagu tabco waa laga midho dhaliyaaye haloo dhabar adaygo , oo yaan laga caajisin.

Miyeynu ka liidanaa Eretariya sida ay durbadiiba ugu dhaqaaqeen dhismaha dhulkooga ilaa ay gaadheen in ay buuraha biyaha u koriyaan dabadeedna ugu waraabiyaan beerahooda , waxaas oo dhan oo tacab ah iyo kartiyey muujiyeen kuna gaadheen waxwada qabsi , waana wax ku dayasho mudan , waxii fiicana waa lagu daydaa laguna dhiiradaa ka midho dhalintiisa , hadal iyo hawli meel ma wadagalaan .
Qofkastoo dadka Somaliland ahba waxa la gudboon doorkiisa inuu ka qaato dhinaca la gudboon dhismaha dalka iyo hiigsiga himiladiisa toolmoon .
Waxa waajib ah inaan qofna wax loo sheegin ee uu gartaa kaalintuu ka qaadan lahaa Qarankiisa Somaliland.
Ma aha wax mucaariduun ee maxaa midho ah baa mudan , si guusha loo gaadho dalka iyo dadkuba uu gaadho yoolkooda fog , lana yeesha hadaf midho dhal ah oo horumar leh.
Haddii aynaan samaynin hagrasho , run ahaantii waa la gaadhayaa horumar , mana dhacayso in wax qabad la’aan horumar ku yimaado iyo karti la’aanba ee bulshooy baylah ka dhawr dhulkaaga dheemantaa, kuna dhiirada wixii mashaariic iyo maalgashiba waa in maal qabeenadeenu aanay ka gaabin ee ay iyagu uga horeeyaan cidkastaba oo ay dhiiradan oo ay fahmaan , taasina waxay keenaysaa in dhaqaalihii dalka kor u qaadaan , dadkuna haka raystaan shaqo la’aanta jiilal kala duwan ragaadisay , iyaguna waxay helayan dhaqaale aanay ka heleen meelnaba ee Eebe ha garan siiyo maalqabeenadeena.
Musqaro ma aha tusaale ahaan 5 Wershadood oo ay warshadiiba ka shaqo galaan 5000 oo qof oo ay sannad kastaba ay shaqo helaan 25000 oo qofi waad garanaysa sida loo tuuri laha dhiisha faqriga, ee waxaan kula talin lahaa maxaa idin tigtigay masnada dalka uga faa’idayn la’ diin maalqabeenadoow mise jahli baa jira , mise garasho la’aan , kaalintii aad bulshada kaga jirteen waad gabteen , waxba ma tarayaan fooqaq dhaadheer ee wershado iyo wax soosaar baa tayo leh ee ku dhaqaaqa.

Maskax kastaba waxa ku jira awood uu waxkastaba wax kaga qabto oo tusmadeeda leh oo mug leh.

Guntii iyo gabagabadii iyo gunaanadkiiba waxaan leeyahay ka fogaada cudurada wahsiga , waxyeelada , dalnacaybka , walaaca, warxumotashiilka iyo horusococd la’aantaba, oo aynu ku fooganaano dhismaha dhulka iyo horumarkiisaba oo dedaal la nimaadnaa.
Tacabkaynu gashano hadba dhulkeena inta uu le’egyahay bay ku xidhantahay horumarku .

(AHMED JAMA GAHEIR)

LEAVE A REPLY