Dhakhtarkii ugu Casri sanaa Dhinaca Ilkaha oo saka Laga Furay Burco iyo Masuliyinta Gobolka iyo Degmada oo Xadhiga ka jaray.+SAWIRO

0
1117

cigaal dentalBURCO,(HargeisaPress) — Dhakhtar Caalamiya oo dhinaca ilkaha ah oo ay fureen Dhakhaatiir Qurbajoog ah oo Takhasuskoodu yahay Ilkaha islamarkaasna u dhashay Somaliland ayaa saaka laga furay magaalada Burco, Munasibaddii Furitaanka Dhakhtarkan oo loo Bixiyey Cigaal Dental Clinic aya lagu qabtay Hotel Allore ee magaalada Burco.
Waxana munasibaddaasi ka soo qaybgalay Badhasabkuxigenka Gobolka, Maayarka Burco iyo kuxigenkiisa, Isuduwaha Wasarada Cafimadka ee Gobolka, Xubno ka mid ah Guddiga Dhakhaatiirta Gobolka, Masuliyin ka socotay Wasaaradda Shaqada iyoArrimaha Bulshada ee Gobolka Togdheer, Xubno Qurbajoog ah, Xubno ka socday Ururada Bulshada iyo Naadiga Akhriska ee HALKARAAN, Xildhiban Cabdirashid Farax Cali oo ka mid ah Golaha Deganka Burco, Xildhiban Roda Hasan oo ah Maayar kuxigenka Magaalada Helesink ee Waddanka Finland iyo Marti Sharaf kale oo Tiro badan.
Ugu Horeyn Waxa munasibadda Furay Mayarka Burco Maxmed Muraad oo ka sheekeyey Muhimadda Dhakhtarkani u leeyahay Gobolka iyo Degmada isagoo si weyn u bogaadiyey uguna hambalyey Dr.Mahamud Mahamed Abdulahi oo ah Dhakhtarka Furay dhakhtarkan cusub sida uu Gobolka ugu soo kordhiyey adeeg ka maqnaa oo casriya, wuxuna Bulshada u soo jeediyey inay ka faaidaystaan Dhakhtarkan lana shaqeeyaan, soona dhoweeyaan, maadama bu yidhi uu Qurbaha uga yimi sidii uu Dalkiisa wax ugu soo kordhin lahaa Muwaadinkani.
Mulkiilaha Dhakhtarkani Cusub , Dr. Maxamud Maxmed Cabdilahi Cirro ayaa isna si weyn u bogaadiyey Gobolka Togdheer Shacab iyo Maamul ba, wuxuna xusay inu Burco ka rajaynayo Wada shaqayn fiican iyo soo dhoweyn, isagoo tilmaamay in Burco uu ka doortay Goboladii kale oo dhan iyo Caasimaddii oo had iyo jeer qurbajoogu xoog u maalgashadaan, waxanu ka dhawaajiyey inu yahay Reer Burco oo Waxbarashadiisii hose iyo Dhexe ba uu Burco ku qaatay isla markaasna uu jeclaystay inu Gobolkani u soo Guuro Soona Dego.
Mayarxigenka Burco Mr Xoday, Isuduwaha Cafimadka Gobolka Dr. Cabdi Yaasin, Casha Cali Qabile oo ka socotay Wasaradda Shaqada ee Gobolka Togdheer, Xildhiban Roda Xasan oo ah maayarxigenka Helesink ee waddanka Finland, Sahra Maxmed Cali oo ku hadlay Afka Dhalinyarada Gobolka Togdheer iyo , Xubno kale, isugu jira Ganacsato iyo Waxgarad, Dhammaantood waxay soo Dhoweeyeen Dhakhtarkan Cusub, waxayna u bogeen Hannaanka service ka uu bixinayo iyo adeegyada aan gobolka ka jirin ee uu soo kordhiyey, iyagoo si isku mid ah u soo dhoweyey Bulshadana ugu baaqay inay ku xidhnaadaan oo la shaqeeyaan Dhakhtarka soona dhoweeyaan si Qurbajooga kale uu tusaale ugu noqdo oo dalka ay ugu soo noqdaan qurbajoog badani, isla markaasna maalgashadaan si gobolku ula tartamo caasimadda. Dr. Axmed ayaa isna si gaar ah uga warramay taariikhda Dr.Maxmud Cirro wuxu sido kale xusay in Cisbitaalka Guud ee Hargeysa uu ka dhex sameeyey kuna soo kordhiyey Qaybta Ilkaha, isla markaasna ay ka hawlgalaan Dhakhaatir iyo kalkaaliyaal si gaar ah u tababaran oo ay qaybtasi si fiican u shaqayso.
Badhasab kuxigenka Gobolka Togdheer oo Munasibadda soo xidhay aya isna dhiniciisa Tilmaamay in Gobolku u baahna dhakhtarkan isla markaasna fursad iyo jaanis ka maqnaa gobolka uu buuxiyey mulkiilaha dhakhtarkani, isagoo Qurbajooga ka codsaday inay dalka ku so noqdaan oo maalgashadaan, wuxu sidoo kale sheegay in lagu jiro maalmihii khayrka badnaa uu danbeyey bisha ramadaan isla markasna uu u ducaynayo Dr Mahamud inu ka faaido kuna guuleysto hamigiisa, wuxu tilmaamay in shacab iyo dawlad ba ay la shaqaynayaan dhakhtarka maadama hore dhakhaatiir somalilander ah oo Takhasus koodu yahay ilkaha aanay gobolka Joogin, Mr Ubaxle wuxu Dhakhtarka iyo kalkaaliyaashisa ka codsaday in week gii Maalin ama 2 maalmood ay ugu deeqaan cisbitaalka Guud ee Burco iyo Maxadka Tababarka Caafimadka oo ay Daaweynta iyo Tababarada Dadka halkaasi jooga ka qaybqaataan.
Gebogabadiina Maamulka Degmada Burco ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Dr. Mohmud Mohamed Abdilahi Cirro oo ah Dhakhtarka adeegan cusub ee ilkaha ku soo kordhiyey Gobolka, waxayna sheegeen inu ku mutaystay dedaalkiisa iyo sida u ugu hamiyayo in Gobolka horumarkiisa lagu tartamo, Waana Markii u horeysay ee Muwadin Reer Somaliland Dhakhtar u gaar ah ILKAHA uu ka furo Gobolka Togdheer.

Mustafeteacher
Burco /Somaliland