Dhaayo-kaab iyo Digtoor aan u Bogay! Qalinka: Mustafe Sheekh Cumar

0
1212

Mustafe Sheekh CumarDhakhaatiirta ku takhasustay nooc uun ka mid ah xanuunadda aadamaha qaarkii lagu Imtixaamay waxaa ay ka mid yihiin waxyaabaha loogu baahi badan yahay marka laga hadlayo Somaliland. Haaheey, wallow Xirfadlayaasha hanaanka cilmiga ah u bartay hawsha ay hayaan inagu yar-yihiin, tan caafimaadku waa ka sii xag-jirtaa oo haddii aad u baahato Dhakhtarka Cunaha ama Dhagaha waa inaad Dr: Walhad maacuudisaa muddo..Neerfaha waa inaad habeen madow u guddaa oo iska xaadirisaa Xarunta Dr: Gaboose, Xanuunada dumarka iyo nooc ay tahayba waa la mid oo safaf dhaadheer ayaa loo galaa.

Dhakhaatiirta Takhasuska ah iyaga dhib badan baa haysata oo waa in ay habeen iyo maalinba u shaqeeyaan Bukaan ciida ka badan oo dani ku qasabtay. “Waxaan siyaasada u galay oo aan jeclahay in aan keeno dad badan oo Takhasus ah, waayo annigu kaligay ama dhowr dhakhtar Qaran dhan waxba uma qaban karaan.” Sidaas waxaa Xili hadda laga joogo Todoba sanadood iigu hal-celiyay Dr, Maxamed Cabdi Gaboose oo aan ku idhi dad badan oo kuu baahan baa jira’e, maxaad u daweyn ladahay ee siyaasadda ku jeclaysiiyay. Waxaa uu intaas ii raaciyay waqtigaas.“Madaxweynaha wanaagsani ummada oo dhan ayuu dabiibi karaa..Laakiin, dhakhtarku dad kooban ayuunbuu wax u qaban karaa”

Waan ka garaabay, markaan u fiirsadday ee dhowr Dhakhtar oo kala duwan si uun aan ulla kulmay iyaggoo hawshaas haya,. Waxaanan si fiican u dareemay in aanay dadka ay dabiibayaan waqti badan oo ay kaga boggan karaan mid kasta cabashadiisa siinin, sababtoo ah umaba helayaan. Qaarkoodna waxaaba la arkaa in hungurri iyo aduun jacayl ka sayid caleeyo oo iyagga qudhoodu ay daal iyo wareer dartii in la daweeyo u baahdaan sidday soo hora dadkada u hayaan.

Aan tusaale soo qaato iyo sababta igu kaliftay maqaalkan kooban..dhawaan waxaan u baahday dhakhtar Indhaha ah oo aan Wiil-yar geynayay…dadka hebelaa isku qufula wax ay tahayba oo qof ay dhowr jeer maqleen waxaasuu ku fiicanyahay lagama karro. Inaguna waaba ka sii xagjiraayoo ilaa siyaasigeenu waa kii markii ugu horeysay ee dawladnimadda aynu bilownay uun saaxadda soo galay, waxaa kale waxa aynu u aragnaa wax aan jirin. Yaan qalin-taraarine…Ilmihii yaraa ee aan waday hooyaddii waxaan ka kari waayay Dhaqtar looga sheekeeyay, runtii waxaa qudhayda ninkaas la’iigu sheegay nin ku fiican shaqaddan, balse culays badani haysto oo ay tahay in Saqda dhexe Tigidhkiisa la sii goosto si bari galinka danbe loola kulmi karo.

Waxaanu wadnaba u geynay…waa nin degdeg ku jiro oo dad badani sugayaane…isaga oo aan wax badan noo sheegin ayuu yidhi halkaa geeyay oo baadha iguna soo celiya. Maalmo ka dib ayaanu ku soo celinay, markii labaadna sabab uu baadhista noogu diray iyo wax Ilmihu u baahanyahay iyo wax aanu u baahnayn iyo faahfaahin kallena nooma uu geline, waxaa uu si kooban noogu yidhi “Warqadii meeday.. Muraayaddaas u xidha…”Abaal iyo Ajar baaban ku qabnay hadaanu helayba.
Muraayadii Arraga kaabaysay ayaan raadiyay, Meherad aan u arkayay mid kooban oo Garoonka Timacadde ee kubadaha Gacmaha ee Magaaladda Hargeysa ku dhagsan (Dhaayo-Kaab) oo dhawaan la furray ayaan tagay …Waxaan ugu tagay Dhakhtarkii Ilmaha yari u baahnaa Xaqiiqdii.

Soo dhaweyn fiican oo aanu kala kulanay kaaliyayaashii arrintayaddana waxaa ay u gudbiyeen Dhakhtarkii. Isna Judhiiba waxaa uu hubin dheeraad ah ku sameeyay isaga oo aan Lacag nagala hadal Ilmihii yarraa baahidiisa arrag-sugaha iyo dhibaatada haysata…waxaa uu si mug weyn oo qiimo leh noogu sharaxay xanuunka haya iyo sabab ay tahay in dhakhaatiirta lagu soo celceliyo muddo marka uu jooggaba si ay ula socdaan xaaladiisa oo uga war hayaan..gartay in Dhakhtar wacan Ilaahay meel dhow igga siiyay bilowgiiba waxqabadkiisa awgii…markaan sii daba-galayna waxaan oggaaday in uu yahay (Dr Jimcaale) nin ku Takhasusay hagaaska araga iyo xanuunadda indhaha. Islamakaraana, dalka keenay kuna Qalabaysan Mishiino heer sare ah oo aad loogu baahi qabay, Dabadeed, waxaa igu soo dhacday Tix ku jirtay taxanihii maanso ee Deellay.. “Dunidda sow rag baa nool

Maxaa diricyo soo kacay
Allow daa abwaanadda,”

Waxaanan ku qancay in laga fiicanyahay Arki jiray doonka oo ay tahay in dadku hubiyo oo oggaado in ay dalka u soo baxeen aqoonyahano da’yar oo dunidda maanta ah Cilmiga yaala ka dabqaatay lana jaanqaadaysa…kuwaasoo ay tahay inaynu ku baraarugno intii aynu dhibi lahayn inana ku kadeedmi lahayn hebello muddo hore akhris ugu danbeeyay.

 

Tifaftiraha Wargeyska Saxafi

Mustafe Sheekh Cumar Geeddi

ciwaankamustafa@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

LEAVE A REPLY