Dawladnimo iyo Dharaaro kala duwan

0
86

Dawladnimo iyo Dharaaro kala duwan

Dadkaygaan kaa aqaanaayoo hadhow bay odhan doonaan, annagaad wadan boqol sanno naga horeeeya dhaqankiisii noo soo waaridaysaa.
Ha boodin akhriste, oo ma soo waaridayee, balse dhaqan fiican oo iyagana aad u anfacay, inagu na aynu si fudud ugaga dayan karno, oo wanaag mooyee waxba kale ina yeelayn, ayaan maatana wadaaye bal kow dheh.
Sweden, oon muddo deganaa, waxaan ku arkay oo aad iiga yaabiya dadkii oo aan titelba wadan. Phd, Msc, Engineer, Dr, Prof iyo mid toona, haddana waa wada mutacalim
Wey isku kay qaban weyday. Waar Phd -du taad jeclayd eed gaadhi wayday mayna ahayn, malaha wey ka dhargeen baan is idhi, haddana maaha oo tiro aan badnayn baaba haysata, ogobeey si fududna loomaba helo oo waa howl, iyo titel dhabar adayg lagu qaato.
Anoo yaaban oo taasi igu wareegayso ayaan haddana u fiirsaday madaxdan iswiidhiska ah ee markaad u gashid aan xafiiskooda kugu qaabilayn ee qolka shirarka ku geynaya.
Sowtii kuweenii kursiga weyn isku wareejin jireen baan is idhi, kuwani maxay xafiisyadooda uga yaacaan. Markaan u guur galayna waxaan helay in iswiidhishkii ay isla garteen si aan awooda kursiga loo dareemin oo aanu shacabku u arkin dareenka kursigu leeyahay in qof kasta lagu qaabilo qol la siman yahay oo aad is dhinac fadhiisataan si siman oo aanu masuulku kursi isku wareejin.
Titelkana sidaasay hoos ugu dhigeen. Innaguna dhiigay innagag jirtaa oo isla Sweden tan, maalin aan ku booqday nin aanu is naqaanay, xafiiska uu ka shaqeeyo, ayaa markuu i qaabilay inta uu xafiis weyn furtay i soo dhoweeyay oo isna kursigigiisii weynaa isku ruxay. Isagoo is wareejinaya ayay haddaba gabadh shaqaalahoodii ahi soo gashay oo tidhi ”waar hebel maxaad xafiiska chefka ku dhigay”. Markaasaan gartay in cudurkii baasaa ee kursigu saaxiibkayna wali hayo.
Arrartaasi waxay i xasuusiyay saaka iyadoo Somaliland, shantii madaxweyne ee soo maray, midba duruuf buu la joogay. Mar bay mustafayntu iyo dhaqaale ku maslaxu daruuri ahaayeen. Mar bay hebel noo magacoow daruuri ahayd oo duruuftu keensatay.
Maanta se Alla mahadi ha ka gaadhee, MBC waa madaxweynihii taam yeeli lahaa nidaam dowladnimo iyo ha’yado kaamil noqday oo sharcigu shaqeeyo, kana weynaado shakhsiga.
Sweden 9 kii september baa doorasho la galay, walina ilaa maanta, waa 78 ayaamoode, waa bilaa dowlad oo maadaama aanu xisbina helin aqlabiyad, wali way ku heshiin laayihiin dowlad wadaag ah inay dhisaan.
Balse marka nidaam la dhisto, qofka imanayaa macno badanba ma laha. Sidaa daraadeedna xabad dowlad la’aan ah kama dareemaysid oo waa sidii hore uun, wax kastaana sidoodii bay u shaqaynayaa oo ileyn nidaamnkaa shaqeeyee, dadku gacanyare ayuun buu u ahaaye, sakaaro sakaaro kuma hirdiyin.
Innagana, Waxa maanta inoo eeg haddaba, in MBC uu ku guulaysto oo ku taageerno dhamaystirka nidaam dowladeed oo taam ah oo hana qaada, isagana aynu kula xisaabtano uun maxaad nidaamkii, dowladnimadii, caafimaadkii, waxbarashadii, amnigii, iyo dhaqaalihii iyo la dagaalankii musuqa ka qabatay.
Isna intaan ka arkay taasi way ka go’an tahay waana laga helayaa ee wa bilaahi towfiiq.

LEAVE A REPLY