Dawladda UK oo ka Reebtay Xukuumadda Somaliland Shirka ay Marti gelinayso oo Qaadhaan-bixiyeyaasha dib u dhaca Doorashada Darteed

0
1137

Hargeysa,(HargeisaPress) — Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska, ayaa Salaasadii sheegay  inaan Somaliland lagu casuumi doonin shirka qaadhaan-bixiyeyaasha ee dalkiisu martigelinayo bisha May ee fooda innagu soo haysa ee loo qabanayo Soomaaliya, doorashooyinka Somaliland ee dib u dhacay dartood.

Waxa soo turjumay Shiine Cilmi Kaahin, oo ka tirsan HargeisaPress. “Waxa jirtay fursad dawladda cusubi ay ku iman lahayd shirka haddii doorashooyinku dhici lahaayeen bishan March sidii hore loogu balamay,”sidaas waxa  saxaafadda maanta Hargeysa ugu sheegay ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Andrew Allen.

Safiirku waxa kale oo uu intaas ku daray; “Laakiin doorashooyinkii dib ayaa loo dhigay dhowr jeer, mana qabsoomayso illaa Bisha November. Sidaas darteed, kuma casuumi karno dawladda hada jirta. Waxaanu doonaynay inaanu la shaqeyno dawladda cusub, sababtoo ah shirku wuxuu ugu yaboohayaa kaalmada la siinayo  afarta sanno ee soo socda.”

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Cabdiqaadir Askar oo ah madaxa warbaahinta xafiiska ASI  waxa lagu yidhi; “Doorashooyinka Somaliland waxay ahayd in la qabto Bisha March ee sannadkan, laakiin dib ayaa loo dhigay. Dawladdu waxay sheegtay in abaarta ba’ani ay barokicisay dad badan oo aanay  suurtogal ahayn  doorashooyinku u qabsoomaan si caadi ah, maadaama oo codbixiyeyaal badani ay ka tageen guryahoodii.”

Mr. Allen, waxa uu sheegay inuu la socdo tabaalada abaartu dhalisay, hase yeeshee  dib u-dhacani yahay kii u dambeeyay dib dhacyo  xidhiidh ahaa oo ay ku jirtay doorashadda Baarlamaanka  oo kuraasida ku fadhiyay in ka badan toban sanno oo hadda aanay muuqan xilliga dib loo soo dooranayo gole cusub illaa 2019-ka.
Ku-xigeenka safiirka Ingiriisku waxa uu tilmaamay walaaca dawladiisu ka qabto  xadhiga suxufiyiinta, xoriyatul qowlka iyo xoriyada baarlamaanka.

Xarunta xuquuqul insaanka ee madaxa bannaani, waxay sheegtay in la xidhay  26 suxufi sannadkii 2016-kii, inkastoo ay hoos u dhacday marka la eego tiradii sanadyadii hore, haddana waxa jira inay jirto walwalkii xadhigu. ugu dambayn wuxuu sheegay in Britain ay ugu balan qaaday in lagula tacaalo abaarta ka jirta geeska Afrika 110 oo giniga Ingiriiska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here