Dawladda Turkiga Oo Ka Xumaatay In Laga Wareejiyo Martigelinta Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho Iyo Farriin Ay Soo Gaadhsiisay Farmaajo

0
1094

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dawladda Turkiga ayaa ka xumaatay in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee ay gacanta ku haysay laga wareejiyo oo loo gacan geliyo dawladda Switzerland. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay warar xogogaala.

Raysalwasaare-xigeenka Turkiga Mr. Hakan Çavu?o?lu oo toddobaadkan dhammaaday socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa kulan uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahai Farmaajo, wuxuu u sheegay in dawladda Turkigu ka xumaaday in wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya laga wareejiyo oo loo raro dalka Switzerland, waxaanu intaas raaciyay Mr. Hakan Çavu?o?lu in dawladdu Turkigu aanay jeclaysan talaabadaas, isagoo aad ugu faanay taageerada ay dawladda Turkigu siiso dawladda Somaliya. Wuxuuse sheegay haddana inuu taageerayo wax kasta oo wanaag keenaya oo u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya.

Sida ay wararkan uu Geeska Afrika helay sheegeen Madaxweyne Farmaajo, ayaa isku difaacay inaan; in Turkiga wada hadalka laga bedelo aanay ka iman dhinaca dawladooda balse ay ka tahay mid ka timid dhinaca Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inuu diiday in Turkigu sii wado wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Mr. Farmaajo, ayaa intaas raaciyay inuu ogyahay wax uu ugu yeedhay “Abaalka Turkiga” islamarkaana uu uga mahadcelinayo, laakiin uu sheegay inuu go’aansaday inuu aqbalo soo jeedinta dawladda Somaliland ee ahayd in wada hadalada laga wareejiyo Turkiga.

Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa isla qaatay in bishan March dabayaaqadeeda ay kulan ku yeeshaan dalka Djibouti, ka dibna ay wada hadaladu si rasmi ah uga furmaan dalka Switzerland. Waxaanay labada madaxweyne wada hadaladii ka soo wareejiyeen wadanka Turkiga oo martigelin jiray.

Geeska

LEAVE A REPLY