Dawladda Sweden Oo Sheegtay Inay 7 Milyan Oo Euro Oo Ugu Tallo-gashay Gurmadka Abaaraha Somaliland Iyo Magacyadda Ha’yadaha La Soo Mariyay

0
1262

HARGEISA , (HargeisaPress) —Dawladda  Sweden, ayaa shaaca ka qaaday inay taageero balaadhan ka geysteen wax-ka-qabashada abaaraha ba’an ee ka taagan Somaliland iyo wadanka Soomaaliya, isla markaana dhaqaale kala duwan u soo mariyeen hay’adaha gargaarka.

 

Wasiirka horumarinta iyo Iskaashiga caalamka ee Sweden Miss Issabella Lovin, ayaa sheegtay in taageerada ay ka geysteen abaaraha Somaliland qeyb ka tahay gargaar hay’adda cuntada Adduunka (WFP) ugu qeybisay lacago dadka ugu liita oo tiradoodu gaadhayso lixdan kun.

 

Miss Lovin, oo ka jawaabaysay su’aal Mr. Hans Linde, xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden ugu sheegay wareysi Maxamuud Walaaleye oo wargeyska Dawan hore ula yeeshay inuu weydiiyey kaalinta xukuumadda Sweden ka qaadatay taageerida abaaraha ka taagan Somaliland ayaa tidhi “Sweden waa wadanka bixiya dhaqaalaha ugu badan hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya Somaliland, sida (WFP, UNICEF iyo UNHCR), taageerada Sweden ee hay’adada gargaarku waa inay degdeg iyo hufnaan uga jawaabaan dhibaatooyinka bani’aadminimo, sida abaaraha Somaliland ka taagan.”

 

Wasiirka Horumarinta Sweden Miss. Lovin ayaa raacisay taageeradoodu sahlayso in hay’aduhu ku bixiyaan dhaqaalaha ay hayaan meesha baahiyaadka ugu badan ka jiraan.  “Hadafka taageerada Sweden waxay u sahlaysaa hay’adaha inay ku bixiyaan dhaqaalaha meesha baahiyaadka ugu badan ka jiraan.”

 

Dhaqaalaha Sweden bixisay sannadkan 2016 ayey sheegtay inay ka mid yihiin WFP 600 million, UNICEF 525 million, CERF (Sanduuqa xaaladaha degdeg QM, 520 million iyo 125 million, OCHA.

 

Miss Lovin ayaa sheegtay in gargaar dhaqaale gaadhaya 17 million Euro oo hay’adda ECHO u qoondaysay in wax lagaga qabto xaaladaha abaaraha Soomaaliya, qeyb ka mid ah gaar u tahay Somaliland,

“Ugu yaraan 7 milyan  Euro abaaraha Somaliland ayaa wax lagaga qabanayaa, loona sii marinayo hay’adaha Save the Children, Red Cross, Danish/Norwegian Refugee Councils, FAO iyo WFP,”ayay tidhi Miss Lovin.

 

Xukuumadda Sweden oo dhaqaale kala duwan ku taageertay wax-ka-qabashada taakulaynta abaaraha ka jira Somaliland, ayaa dhinaca kale, macluumaad badan aan laga hayn tallaabada illaa wakhtigan hay’adaha gargaarku ee dalka ka shaqeeya ka geysteen, marka laga reebo hay’adda Bisha Cas (Red Cross) oo hore tafaasiil uga bixisay taakulayntooda abaaraha dalka.

 

Masuuliyiinta wasaarada qorsheynta qaranka iyo xubnaha guddiga heer qaran ee taakulaynta abaaraha ayay  bulshadu eegi doontaa jawaabaha  ay ka bixiyaan deeqahan ha’yadahan la soo mariyay siday u kharash gareeyeen labadaba.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here