Dawladda Sucuudiga Oo La Sheegay Inay Xayiraaddii Ka Qaaday Xoolaha Soomaalida

0
1545

Hargeysa , (HargeisaPress) —Dawladda Sucuudiga ayaa la sheegay inay xayiraadii ka qaaday xoolaha nool ee Soomaalida oo ay xayirtay sannadkii 2016 dabayaaqadiisii.

Sucuudiga oo ah dalka ugu badan ee loo dhoofiyo xoolaha Soomaalida, ayaa sannadkii 2016 wuxuu xayiraad saaray xoolaha, oo ay dawladda Sucuudigu sheegtay in xanuun laga helay.

Si rasmi ah looma garanayo in xayiraad qaadistani ay tahay mid ku meelgaadh ah oo la xidhiidha moosinka xajka iyo inay tahay xayiraad ka qaadis rasmi ah oo ay dawladda Sucuudigu go’aansatay.

Xoolo badan oo Sucuudiga loo iib geeyo ayaa waxa ay ka dhoofi jireen dekedda Berbera oo ah kadinka ugu muhiimsan, waxaana lagu qiyaasaa inay dekedda Berbera sannadkii ka dhoofi jireen dhawr milyan oo neef, waxaana haddii xoolaha la furo la filayaa inuu kor u kac ku yimaado qiimaha guud ahaan xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo dhoofka xooluhu sare u qaadi doono dakhliga dawladda Somaliland iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa suuqyada Somaliland.

LEAVE A REPLY