Dawladda Somaliland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Kooxo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Urur Soomaali Lagu Midaynayo

0
1003

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dawladda Somaliland, ayaa si adag ugu jawaabtay kooxo siyaasiyiin ka fallaagoobay Somaliland ah oo maamulka taagta daran ee Muqdisho uu soo abaabulay, kuwaas oo si fudud ugu dooday inay ka shaqaynayaan sidii loo midayn lahaa dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Koox xildhibaanno iyo siyaasiyiin uu hormood u yahay Cali Khaliif Galaydh oo sheegtay inay metalaan maamulo aan ka jirin Somaliland oo ay ku magacaabeen Khaatumo iyo Awdal State, ayaa sheegay inay ku bahoobeen xisbi siyaasadeed oo la yidhaa U.S.P, kana hawlgalanaan sidii Somaliland dib ugula midoobi lahayd Soomaaliya, iyagoo ku andacooday in dawladda Somliland dhibaatooyin ka wado deegaamada ay ka soo jeedaan.

 

Haseyeeshee, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Qaranka iyo Cilmi-baadhista Md. Cali Xaamud Jibriil oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da oo warka kooxdan baahisay, ayaa dhalanteed iyo naf-la-caaridnimo ku tilmaamay hadalkooda.

 

Ugu horreyn Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in aanay Somaliland waxba yeeli karin niman oo uu soo abaabulayo Madaxweynaha Xamar ee maamuli kariwaayey dhulkiisii, waxaannu yidhi, “Horta wax U.S.P la yidhaa ma jirto, hadday jirtana waxay ka jiraysaa Somaliland, nin kasta oo siyaasi ah oo Somaliland u dhashay haddii uu xukun rabo waxa uu ku gaadhayaa inuu yimaado Somaliland oo uu siyaasadeeda ka qaybgalo, laakiin Xamar oo Xasan Sheekh oo isaguba gobolladiisii dhisan kariwaayey inuu ku soo abaabulo Somaliland oo maalinba ay hadallo ka yidhaahdaan wax allaale iyo waxay faa’iido u keenaysaa ma jirto.”

 

Waxa kaloo uu difaacay hawlaha nabadaynta iyo xallinta ah ee Somaliland ka wado deegaanka Taleex oo dhawaan colaadi ku dhexmartay labada beelood.

“Fidmada Taleex meesha ay ka bilaabantay waynu ognahay, waxay ka soo bilaabantay Puntland oo laysay dadkii ugu horreeyey, Somaliland way u gurmatay oo xaq bay ugu leedahay inay dhulkeeda u gurmato, cid kale oo u soo gurmanaysaa ma jirto, intaas oo sannadood ayey waxani socdeen, Cali Khaliif iyo kooxdiisuna way xallin kariwaayeen, markaa haddii Somaliland u gurmatay oo dhaqan iyo siyaasiyiin tageen, raggana meesha tagay waa kuwii deegaanka u dhashay oo waxa ku jira Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac iyo Xildhibaan Yuusuf Cali Koore. Nabadgalyo ayaa la raadinayaa, odayaasha la xidhayna waxay diideen inay xabbad-joojin sameeyaan, xadhigna maaha ee waxa odayaasha lagu dhiirigelinayaa inay nabadda qaataan,” ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.

 

Sidoo kale, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa hadal meelwaayey ku sifeeyey midnimo dambe oo dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in aan kooxda Muqdisho ka hadashay waxba ka samayn karin Somaliland oo ah Qaran madaxbannaan oo dawladnimadiisu dhammaystiran tahay.

 

“Midnimada ay yidheen waanu ka shaqaynaynaa waa tii ay hore u baabiiyeen oo midnimo hore ayey u duntay, Qarankan Somaliland waakii xorriyadiisa la soo noqday ee dib Boorama loogu habeeyey, waxaannan u sheegayaa ma jirto wax midnimo la yidhaa oo laga wadahadli karaa, Soomaaliya waxaannu nahay laba dal oo jaar,” ayuu yidhi Wasiir Cali Xaamud Jibriil.

 

Source-Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here