Dawladda Somaliland Oo Aqbashay Dedaalka Nabadeed Ee Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD & Puntland Oo Shuruud Ku Xidhay

0
871

Hargeysa , (HargeisaPress) —Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay ogolaatay dedaal ay dalalka IGAD iyo Qaramada Midoobay ku doonayaan in xabad joojin la dhex dhigo ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka Puntland ee ku dagaalamay Tuko-raq, laakiin maamul goboleedka Puntland ayaa diiday qorshahaas.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, dawladda Somaliland waxa ay aqbashay qorshahaas Qaramada Midoobay iyo IGAD oo ah in marka koowaad la sameeyo xabad joojin rasmi ah islamarkaana la bilaabo in la wada hadlo. Hase yeeshee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa qorshahaas diiday islamarkaana shuruud ku xidhay.

Warku wuxuu sheegay  in Mr. Gaas uu shuruud ka dhigay in dawladda Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Tuko-raq, ka dibna la bilaabo xabad joojin iyo wada hadal.

Talaabadan Puntland, ayaa warku wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ku noqday caqabad islamarkaana ay la yaabeen shuruudaas uu Cabdiweli Gaas ku xidhay xabad joojinta, waxaanu warku sheegay in la filayo in Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD ay go’aan ka gaadhaan diidmada Puntland.

Dawladda Somaliland ayay ku ammaaneen Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD sida ay u aqbashay soo jeedintooda nabadeed.

Dalalka IGAD ee qaramada midoobay ka caawinaya nabad ku soo dabaalista deegaanka tuko-raq ee gobalka sool, waxa u horaysa dawladda Itoobiya.

Geeska

LEAVE A REPLY