Dawladda Oo Afar Sano Iyo Badh Ka Dib, Ciidammadii Ka Qaadday Xarunta Wargeyska HAATUF

0
1082

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ciidammada Booliiska Somaliland, ayaa fuliyey Amar Xayiraad ka qaadis ah oo ka soo baxday Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex, taasi oo ahayd in Ciidanka laga qaado Xarunta Wargeyska Haatuf oo xayirnaa 4 sannadood iyo Shan bilood isla-markaana muddada intaasi leeg xarun u ahayd Ciidan Boolis ah.

Taliyaha Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa Muuse Xasan Kaahin oo Maamulayey Ciidankii Muddada dheer gaadhka ka hayey Xarunta Wargeyska Haatuf oo xukuumaddii hore u xayirtay inuu baahiyey Warar la xidhiidha musuqmaasuq lagu tuhmayey Masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa Shalay Saxaafadda u sheegay inay Maamulka Wargeyska Haatuf ku wareejiyeen Xaruntoodii, waxaanu yidhi “Annaga oo fulinayna go’aankii Xayiraad ka qaadista ee Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Hargeysa, waxaanu Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ku wareejinaynaa Wargeyskii Haatuf Xaruntiisii, Annagoo u tirinay Qalabkii u dhex yaallay..”

Guddoomiyaha Wargeysyada Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo isaguna la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay Maxkamadda Gobolka uga socoto Dacwad ay Xukuumadda kaga dalbanayaan in Magdhow laga siiyo Khasaaraha soo gaadhay Muddadii Xaruntoodu Xayirnayd, maaddaama buu yidhi Dawladdu aanay Xayirin oo keliya Wargeyska Haatuf ee Afsoomaaliga ku soo bixi jiray, balse la xayiray laba Wargeys oo kale oo ku soo bixi jiray Afafka Ingiriisiga iyo Carabiga “Maxkamadda waxa nooga socota Dacwad aanu ku dalbanayno in Magdhow la naga siiyo Tacadiga nagu dhacay, markaan sidaa leeyahay kama hadlayo Haatuf oo Af Soomaali ku soo baxayey, waxaan ka hadlayaa oo la naga xidhay laba Wargeys oo kale oo kala ah Al-haatuf Al-carabi iyo Somaliland Times, dacwaddaas oo Saddex sano iyo badh Maxkamadda hor-taallay gebogabo ayay ku dhowdahay…”ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here