Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay Inay Si Balaadhan U Adeegsan Doonto Dekeda Berbera

0
1604
Wasiirka gaadiidka Itoobiya Mr. Axmed Shide

Djibouti,(HargeisaPress/Saab) —Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya Mr Axmed Shide ayaa dabooka ka qaaday inay Itoobiya noqon doonto dalka sida balaadhan u adeegsan doona dekedda Berbera, ka dib casriyaynta iyo maalgashiga DP world ee dekedda Berbera.

Wasiirka oo isagoo Djibouti jooga u waramay weriye Cali-Seenyo oo ka tirsan telefishanka Saab, wuxuu sheegay inuu weli socdo wada xaajoodka saamiga Itoobiya laga siiyay dekedda Berbera ee dhan 19%.

“Dekeda Berbera wali wada hadaladii ayaa socda inaanu maalgashano. Dekeda Berbara mawqif ahaan waanu taageersanahay oo aniga ayaaba qaabilsan arimahaas, wada hadalo ayaana noo socda.” ayuu yidhi Wasiirku

Waxaanu intaas raaciyay “Maalgalinta Beberana waanu dhiir-galinaynaa ee ay wadaan DP World iyo dawladda Somaliland anaguna qayb ayaanu ka nahay, dekedana anaga ayaa aad u adeegsan doona oo dhaqaalaha Itoobiya ayaa adeegsan doona, adeeg kaliyaatana maaha ee maalgashigana inaanu qayb ka noqono ayaanu doonaynaa si hawlgalka iyo arrimaha maamulka dekeduna uu u fiicnaado oo u faa’iido ugu yeesho dawlada Itoobiya, laakiin arrinta saamiga wali waa wax la sii wado.”

Itoobiya ayaa u muuqata inay si gaar ah u danaynayso isticmaalka dekedda Berbera, waxaana saamiga 19% ah ee laga siiyay maalgashiga dekedda Berbera lagu tilmaamay siyaasad lagu soo jiidanayo Itoobiya oo ah dal aan lahayn deked.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here