Dawladda Ingiriiska Oo Cusboonaysay Digniinta Amni Ee Magaalooyinka Somaliland

0
766

Hargeysa,(HargeisaPress) —Dawladda Ingiriiska ayaa cusboonaysay digniinta amni ee ay u dirayso muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland.

Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska, ayaa muwaadiniintiisa kula taliyay inaanay u safrin Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyagoo magaalooyinkaasna ku taliyay in loo tago oo keliya arrimaha muhiimka ah. Digniintan ayuu Ingiriisku isku daray Somaliland iyo Soomaaliya, “Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka (FCO), wuxuu ku talinayaa inaan loo socdaalin Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera  oo uu xafiiska FCO ku talinayo in  loo tagi karo uun safarada muhiimka ah.”

Sidaas ayuu yidhi qoraalka Ingiriisku soo saaray ee digniinta ah, waxaanu intaas raaciyay, “Muwaadin kastao o Ingiriis ah oo jooga deegaanadaas Soomaaliya ee uu xafiiska FCO ka digayo in loo socdaalo waa inuu ka baxaa. Muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo Hargeysa iyo Berbera u jooga arrimo aan muhiim ahayn waa inuu ka baxaa.”

Ingiriisku wuxuu muwaadiniintiisa booqanaysa Hargeysa iyo Berbera kula taliyay inay ka feejignaadaan goobaha ay bulshadu kul kulanto oo ay la socdaan warbaahinta maxaliga ah iyo ta’ caalamiga ahba.

Dawladda Ingiriiska ayaa lixdii sannadood ee u dambeeyay aan wax isbedel ah ku samayn khataro ammaan oo ay ku sheegto inay ka jiraan Somaliland, iyadoo sannadkii 2013  Somaliland guud ahaanteed sheegtay inay tahay dhul aan la tagi karin. Balse dawladda Ingiriiska ayaa bishii April ee sannadkii 2014 sheegtay inay xayiraadii amni ka qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera  oo ay sheegtay in iyagana loo tagi karo uun arrimaha muhiimka ah, kuwaas oo ay haddana dib u soo cusboonaysiisay.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here