Dawladda Farmaajo Oo Dalalka Deeqda Bixiya Ku Gacan-Saydhay Soo Jeedin Ay U Gudbiyeen Oo Ah Cusboonaysiinta Hab-macaamilka Gaarka Ah Ee Somaliland Deeqaha Loo Soo Mariyo

0
1374

Hargeysa , (HargeisaPress) —Dawladda Soomaaliya ayaa dalalka beesha caalamka ee deeq bixiyayaasha ah ku gacan saydhay qorshe ay u soo jeediyeen oo nuxurkiisu ahaa in la cusboonaysiiyo  hab macaamilka gaarka ah ee loo qoondeeyay in Somaliland si gaar ah loogu siiyo muwaacinooyinka ee loo yaqaano Somaliland Special Arrangement (SSA) oo ah hab gaar ah oo ay deeq bixiyayaashu sameeyeen 2013.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay warqad uu  Wasiirka qorshaynta Soomaaliya Jamaal Xasan, u diray dalalka deeq bixiyayaasha ah 9 June 2018, isagoo ku gacan saydhay qorshe ay dalalkani u soo jeediyeen oo ah in la cusboonaysiiyo hab macaamilkaas gaarka ah, waxaanu ka codsaday inay joojiyaan habkaas gaar ah oo uu sheegay inay dawladda Soomaaliya ka qabto walaac ah inuu muujinayo madaxbanaanida Somaliland. Warqadan

Mr. Jamaal, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Sanaag-bari ee dalka Somaliland, balse ka tirsan dawladda Soomaaliya, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inay dawladda Soomaaliya ka soo horjeedo in Somaliland loo cusboonaysiiyo hab macaamilkaas. Warqadda oo ka koobnayd laba bog islamarkaana aan loogu tallo gelin saxaafadda balse uu Geeska Afrika helay, ayaa wuxuu gunaanadkeeda ku yidhi  “Dawladda Soomaaliya waxay ka walaacsantahay doorashada gobal gaar ah loogu dooranayo “Hab gaar ah oo lagula macaamilo” ay saamayn xun ku yeelanayso dedaalada lagu dhaadhicinayo nidaamka federaalka iyo dhismaha qaranka Soomaaliya. Maamul goboleedyada kale ee federaalku waxay cadeeyeen haddii hab macaamilkan gaarka ah ee Somaliland uu sii socdo inay iyaguna beesha caalamka ka raadsan doonaan xidhiidho la mid ah, taa oos saamayn dhaawac ah ku yeelanaysa isku duwidda deeqaha Soomaaliya.”, wuxuuna intaas raaciyay sida ay dawladiisu uga soo horjeedo hab macaamilkan gaarka u ah Somaliland. “Si kastaba ha ahaate, anigoo ku hadlaya magaca dawladda federaalka Soomaaliya, idinkuma taageersanin qorshaha cusboonaysiinta hab macaamilka gaarka ah ee Somaliland.” Ayuu yidhi.

Wuxuu Mr. Jamaal intaas raaciyay “Si kastaba ha ahaato ee, waa aanu soo dhoweynaynaa wixii soo jeedin wax dhisaysa ah, oo aan dhaawacayn qarannimada dalka. Si ku talagal ah ama si aan ku talagal ahaynna   wax ugu dhimaysa ama goballadeeda.”

dawladaheeda

Wuxuu ugu dambayn wasiirka dawladda farmaajo warqadiisa  ku yidhi “Sidaas darted, tixgelin haboon oo arinkaas la siiyaa wuxuu ku xidhnaan doonaa hanaan la isla afgarto oo waafaqsan mudnaanaha qaran ee ee qorshaha horumarka qaranka, islamarkaana waa inuu noqdaa mid si togan wax uga gaysanaya midnimada iyo wadajirka umadda iyo qaranka Soomaaliya.”

Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xalay isku dayay inuu xukuumadda Somaliland wax ka weydiiyo inay ka war hayso warqadan ay dawladda Farmaajo ku dhaawacayso hab-macaamilka gaar ah ee deeqaha loo soo mariyo Somaliland, laakiin nooma ay suurtogelin inaanu helno wasiirka arrimaha dibadda ama wasiirka qorshaynta ee qaranka Somaliland.

LEAVE A REPLY