Dawladda Djibouti Oo Ku Dhawaaqday Inay Shixnadaha Itoobiya U Samaysay Qiime Dhimis Ah 45%

0
1099
Dekedda casriga ah ee Dooraale ee Djibouti

Djibouti, (HargeisaPress) — Dekedda casriga ah ee Dooraale ee Djibouti oo sannadkan xadhiga laga jaray, ayaa ku dhawaaqday inay qiime dhimis dhan 45% u samaysay shixnadaha laga leeyahay Itoobiya ee ka dhoofaya ama ka degaya dekeda Dooraale.

Dawladda Djibouti oo u muuqata inay soo jiidanayso shixnadaha Itoobiya islamarkaana doonaysa inay sii haysato ganacsatada Itoobiya, ayaa go’aankan ku dhawaaqday toddobaadkan, ka dib markii ay dekedda Dooraale shaqaynaysay lix bilood. “Dawlada Jabbuuti waxa ay go’aansatay in Itoobiya ay ka yarayso lacagta rarka iyo dejinta. waa qiimo dhimis aad u ballaadhan oo loo samaynayo shixnadaha guud, gaadiidka iyo gaadiidka daabulka, waxa uu u dhexeeyaa 20 illaa 45 boqolkiiba.” sidaas waxa yidhi Wahiib Daahir Aadan oo ah agaasimaha fulinta ee dekedda adeegyada kala duwan ee Dooraale ee dalka Jabbuuti.

Djibouti, waxay sheegtay in go’aankan ay qiime dhimista ku samaysay adeegyada dekedda Dooraal eu qabato Itoobiya dhawaan la hirgelin doono, waxaanay Djibouti doonaysaa inay sii haysato isticmaalka Itoobiya ee dekedaheeda, maadaama oo ay Itoobiya tahay dal bilaa deked ah.

HargeisaPress News Desk

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY