Dawladda Djibouti Oo Ka Hadashay In Casriyaynta Dekedda Berbera Iyo Isticmaalka Itoobiya Saamayn Ku Yeelan Karto Dekedaheeda

0
1435
Djibouti continues to build huge infrastructure projects that will transform the country into the continent’s major trading hub.

Djibouti(, (HargeisaPress/Capital) —Dawladda Djibouti ayaa markii u horaysay ka hadashay saamaynta ay maalgashiga DP world ee dekedda Berbera ku yeelan karto dekedd Djibouti, waxaanay Djibouti sheegtay inay soo dhawaynayso tartan caafimaad oo dhex mara dekedaha gobalka.

Guddoomiyaha maamulka dekedaha Djibouti Abubakar Cumar Xadi, oo u waramay wargeyska Cappital ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay inaanu dalkiisu ka walaacayn haddii Itoobiya isticmaasho dekedda Berbera.

Mr. Abubakar oo la weydiiyay saamaynta uu dekedda Djibouti ku yeelan karo doonista ay Itoobiya ku doonayso inay isticmaasho dekedda Berbera, ayaa sheegay inaanay dawladda Djibouti iyo guddiga maamulka dekedaha Djibouti ka warwarsanayn qorshaha ay Itoobiya ku doonayso inay isticmaasho dekedda Berbera, “Kama warwarayno, sababtoo ah Itoobiya xajmigeedu si dhaqso ah ayuu u korayaa sannad kasta.” ayuu yidhi madaxa dekedaha ee Djibouti, isagoo intaas raaciyay, “Haddii uu jiro tartan xor iyo xalaal ahi, markaas maalgashi badan ayaanu samaynaynaa shirkadaha Itoobiyana waxay barbar dhigi karaan damacooda meelaha kale.”

Djibouti ayaa u muuqata inay ka gaashaamanayso saamayn kasta oo ay dekedda Berbera ku yeelan karto dekedahooda, iyadoo Itoobiyana ah dalka ugu balaadhan ee uu dhinac waliba doonayo inuu kalsoonidiisa kasbado.

Dawladda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in 19% dekedda Berbera laga siiyay dawladda Itoobiya, si loo soo jiido waxyaabaha ay Itoobiya dhoofiso ama la soo degto.

Geeska

LEAVE A REPLY