Dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Bilowga Wada Hadalada Ka Taagan “Kaaf Iyo Kala Dheeri”

0
1111
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u muuqda inay kaaf iyo kala dheeri taaganyihiin, marka la eego wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee qorshaysnaa in daah-fur loogu sameeyo bishan dalka Djibouti, ka dibna ay ka furmaan dalka Switzerland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shalay magaalada Hargeysa ka sheegay in wada hadalada la hakiyay muddo bil ah, duruufaha jira dartood, isagoo yidhi  “ Wadda hadalada inaynu la galno waa arinkii baarlamaanku ansixiyey ee dawlad ahaan aynu qaadanay kamaynaan noqon. Balse  wakhtigan xaadirka ah duruuftii saamaxaysay in la wada hadlaa ma jirto  markaa muddo bil ah ayaanu dib u dhignay wada hadaladii marka ay bishu dhamaato ayaanu eegaynaa duruuuftu siday tahay inaynu la bilawno iyo in kale.”

Hase yeeshee, madaxweynaha Soomaaliya ayaa geestiisa wuxuu isna shalay Muqdisho ka sheegay inay la bilaabayo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, “Waxaan dhawaan bilaabi doonaa wada-hadalka aan la leenahay Somaliland dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin wixii khilaaf ahna waxaan ku dhameyn doonnaa miiska wada hadalka” sidaas ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Maxaa sababay?

Waxa muuqata inay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay halis gelin karaan hadalada ay dhawaan madaxda Soomaaliya kaga dareencelisay heshiiska saddex geesoodka ah ee ku saabsan dekedda Berbera ee ay Somalialnd, DP world iyo Itoobiya kala saxeexdeen.  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hadaladaas ay dawladda Somaliya kaga tiraabcelisay heshiiskaas ku tilmaamay dagaal ka dhan ah Somaliland oo ay dawladda Soomaaliya ku dhawaaqday.

Safarka Farmaajo ee Qatar

Dawlada Qatar ayaa u muuqata inay si aan toos ahayn ugu jirto  dagaalkan diblomaasiyadeed ee ka dhex socda Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo indhaha ku haysa xifiltanka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu toddobaadkan safar ku tagayo dalka Qatar. Socdaalka Farmaajo ayaa isna qayb ka ah arrimahan socda. Dawladda Qatar iyo dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ah labada dawladood ee kala hoggaaminaya khilaafka wadamada gacanka Carabta, waxaanu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo la saftay dawladda Qatar.

Sidaas daraadeed, dawlada Qatar oo u muuqata inay hadda aragtay fursad ay kaga faa’iidaysan karto xifiltanka ka dhexeeya dalka Imaaraadka Carabta ayaa martiqaad u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Waxaana la saadaalinayaa in magaalada Dooxa lagu soo dejiyo qorshe diblomaasiyadeed oo ka dhan ah heshiiska saddex geesoodka ah ee Berbera.

Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here