Dawlada Jabuuti oo Ogolaanshihii kala Noqotay Shirkada DP-World Iyo Eedaymo ay u Jeedisay

0
1417

DP WORLDJabuuti, (HargeisaPress) — Shirkada DP-World oo ku dagaalamaysa sidii ay u wadi laheyd hawsha ay ka wadey Dekada Jabuuti kadib markii ay Xukuumada Dawlada Jabuuti ay ku eedeysay DP-World in ay lacag laaluush ah bixisey kuna guuleysatey maamulka Dekada Jabuuti.

Qoraal ay soo saartey Dawlada Jabuuti oo aanu ka soo xiganey wargeys ka soo baxa Dalka Isutaga Emiraat-ka oo la yidhaahdo (The National) ayaa Dawlada Dalka Jabuuti ku sheegtey in ay kala noqotey Shirkada DP-World ogolaanshihii ay hore u siisey shirkadaas oo ah in ay ku maamusho badeecadaha tirada badan ee soo mara Dooraale una kala jiheyso wadama ay u kala socdaan.

Waxa kale oo qoraalkaa ay Xukuumada Dalka Jabuuti ku sheegtey in ay dacwad u gudbisey Maxkamad ku taala magaalada London ee Dalka Ingiriiska kana codsatey in murankaa soo kala dhexgaley shirkadaas lagu xaliyo heshiis ka baxsan xukun maxkamadeed.

Shirkadan DP-World ayaa laga leeyahay Dalka Isutaga Imaaraadka, waxaana la aasaasey 1999, xarunteeduna waxay tahay magaalada Dubai. Waxa kaloo ay shirkadani ka hawl gashaa Dekado ku kala yaala 65-Dal oo adduunka ah.

Afhayeen u hadley DP-World oo aan magaciisa la shaacin, ayaa ganafka ku dhuftey eedeymaha ay Dawlada Jabuuti ku soo oogtey, islamarkaana cadeeyey in ay isdaafici doonaan, siina wadan doonaan maamulkii ay ka waddeen Dooraale inta uu kiisku sii socdo. “Aad ayaanu uuga xunahay talaabadan ay Xukuumada dalka Jabuuti qaadey, kadib markii aanu aheyn xulafo aad isugu dhaw oo soo wada shaqeeyey muddo 14-sanno ah”. Ayuu yidhi afhayeenku.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Intaas oo sannadood ayaanu maalgashi badan ku sameyney Jabuuti .Waxaanu qayb laxaad leh ka qaadaney kaabayaashoodi dhaqaale iyo horumarinta bulshadooda”.

2006-dii ayey shirkadan DP-World, la gashay Dawlada Dalka Jabuuti heshiis 30-sanno ah in loo ogolaada in ay maamusho konteenarada maraakiibta waa-weyn ee ku soo xidha Dooraale, una kala gudbiso meelaha ay u kala socdaan ee qaarada Afrika, Asia iyo Yurub.

Hadaba, waxa qaraarkan ay Xukuumada dalka Jabuuti ku kacdey gundhig u ah dabagal ay ku sameysey dhaqdhaqaaqa muwaadin dalka Jabuuti u dhashey oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Boore.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY