Dawlada Itoobiya Oo Somaliland Ku Eedaysay Inay Si Qasab Ah Ku Baro-kicisay Dad Oromo Ah Oo Gaadhaya Saddex Kun Oo Ruux

0
1183
Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Dr. Ngeri Lencho

Addis Ababa,  (HargeisaPress) —Dawladda Itoobiya ayaa ku eedaysay Jamhuuriyadda Somaliland inay baro-kicin ku samaysay dad badan oo Oromo ah oo Somaliland jooga, ka dib rabshadihii dhawaan ka dhex dhacay Soomaalida Itoobiya iyo Oromada.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Dr. Ngeri Lencho oo Isniintii doraad saxaafadda kula hadlay Addis Ababa, ayaa sheegay inay Somaliland si sharci darro ah u  baro-kicisay dad ka badan saddex kun oo ruux oo Orromo ah, markii ay rabshadahaasi dhaceen.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, wuxuu sheegay in bulshada Oromada ee ku sugan Somaliland iyo kililka shanaad ee Itoobiya la beegsaday, isaga oo aan wax faahfaahin ah ka bixin eedahan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ay wakaaladda wararka ee Bloomberg wax ka weydiisay eedaha ay Itoobiya u jeedisay dalkiisa, ayaa sheegay inuu baadhis ku soo samaynayo, ka dibna jawaabi doono.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here