Dawlada Ingiriiska Oo Ka Jawaabtay Codsi Ay Somaliland Ku Doonayso Inay Kursi Goob Jooge Ah Ku Yeelo Ururka Barwaaqo Sooranka

0
1074
Xildhibaan Mr Tobias Ellwood

Hargeysa,(HargeisaPress) —Dawlada ingiriiska ayaa sheegtay inaanay Somaliland xubin goob jooge ah ku yeelan Karin ururka barwaaqo sooranka.

Xildhibaan Andrew Rosindell oo ka tirsan baarlamaanka ingiriiska ayaa fadhigii shalay ee baarlamaanka ingiriiska,wasiiru dawlaha xoghayaha arrimaha dibada iyo barwaaqo asooranka Mr Tobias Ellwood waydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa mawqifka dawlada Ingiriiska ee in Somaliland kursi goob jooge ku yeelan karto dalalka barwaaqo sooranka ayaa waxa uu wasiiru dawluhu ku jawaabay

“ma jirto kaalin goob joogenimo ama ka mid ahaansho la xidhiidha oo wadamada barwaaqo sooranku leeyihiin”ayuu yidhi Mr Tobias Ellwood.

Wasiiru dawlaha xoghayaha arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka waxa uu intaa raaciyey

“Shuruudaha xubinimada waxa ka mid noqon kara dal xor ah isla markaana Somaliland weli aqoonsi caalami ah ma helin,mawqifka ingiriisku waxa uu ahaa in Somaliland iyo somaliya g’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda oo wadamada jaararku hormuud u noqdaan aqoonsiga waxa kasoo baxa”

Source: Geeska Africa

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY