Dareenka Shacabka reer somaliland ee Dabaaldaga maalinta 18 may waa fariin cad oo u quus goynaysa Riyada gaaban ee Midawga soomali weyn cidkasta oo aaminsan.

0
1111

Dareenka Shacabka reer somaliland ee Dabaaldaga maalinta 18 may waa fariin cad oo u quus goynaysa Riyada gaaban ee Midawga soomali weyn cidkasta oo aaminsan.

Hargeysa-hargeisa press wadan nolol quruxbadani taalo oo leh Madaxweyne,xildhibaano,siyaasiyiin,aqoonyahan iyagu gacantooda ku dhaliyay halgankii dib loogu soo celiyay Xornimada Qaran dhamaystiran somaliland 18 may 1991, waxay shacabkani fariin udirayaan inay mabda,ani yahay mid muqadasa oo maanta u baahan in la ictiraafo ee aan la xagxagan,waxay codkooda kor ugu dhawaaqayaan “Wataa maandeeq dhashee ka maala nimcada”

Baraha lagu kulmo sida facebook-ga waxaa ishaada farxad galinaya sawirada shakhsiga ah ee qofwaliba kusoo xardhay sawirkiisii Calanka somaliland oo uu ku qoranyahay maalintan 18 may iyo waliba hadalo dhiirigalin ah oo sii adkaynaya jiritaanka somaliland, dalkan iyo dadkaniba waxay kasbadeen inay gaadhaan Nolol iftiimaysa oo qarsoomayn.

Barahan facebookga waxaa ku kulma madax iyo aqoonyahan, qoysas iyo hogaamiyayaal siyaasadeed oo ah dadka ugu isticmaalka badan ee fariintoodu gaadho dadkooda iyagoo bar kulanka facebookga kaga qayb qaadanayay dabaaldaga maalintan 18 may waxaana ka mida ah dadkaasi :-

Musharaxa Xisbiga kulmiye Muuse biixi, wasiiro, wasiir Yuusuf osman Garas,Ambassador Ayan Mahamuud, Agaasime Mohamed xusen dhabeeye,Aqoonyahan Mohamed Ali bile, Liiban ismael buraale,khadar barud Mohamed dubad, hamse khaire, Mustafe khaire,Ahmedyasin Sh Omar,Mohamed Ali cumar,yuusuf daahir,Muxiyadiin tiyaabo Sacad sh muuse,Mohamed Abdi sheekh ilig, Naasir aadan Nawaa C/risaq Dahir khalif, Ahmed khaliif, Abwaan C/raxman abees,abwaan weedhsame, Rooble mohamed,Omar osman Taani, Mohamed haji muse, dadkaas iyo kuwo kaleba waxay ka mid ah dadka ugu isticmaalka badan barahan lagu kulmo waxaanay u muuqataan fariimahoodu mid wax lagu qaadan karo quusna ku ah cida dib ugu riyoonaysa in somaaliya dib ula midawdo .

Hargeissapress office Hargeysa

 

LEAVE A REPLY