Darbi Doqon Dhigay

0
2220

Darbi Doqon Dhigay

Waxaad si ku talo gal leh ugu badheedhaysaa maalinkasta in cid aad ka cadhaysiiso,dhibto,galiso naxli uu kugu colaadiyo adigoo hadana wanaag been ah inaad rabto naftaada ku maaweelinaya kuna baaqaya in la iswanaajiyo”kalamaan”,hadaba dhibtaasi waxay sabab unoqotaa ismaandhaaf,Firdhad waxaa sii fogaada in bulshadii wax ka dhaxeeyay wax isla fahanto ilaa heer ay kala shikido dantii caamka ahaydna dhufays ugu kala qaybsanto.
Arinkasta oo inala soo gudboonata way yartahay in la helo warbixin buuxda oo inagaga filan waxsheegeeda iyo waxay salka ku hayso,waayo badanaa waxaa khaldan ujeedada guud ee warkaasi xanbaarsan yahay,xirfadda cida gudbinaysa iyo garaadka cida loo gudbinayo.
,”Kuwa xasuusan kari waaya waayihii soo maray waxay ku inkaaran yihiin inay dib ugu noqdaan” hadalkaas Prof gees buugiisa dharaaro xusuustood baan ka xushay waana kayd in la isticmaalo oo noloshana lagu dhisto ku haboon.
“It is not the moment what defines us,but our choices/our reactions that Makes who we are”
“Waqtiga aynu joognaa maaha mid qofnimadeena qaabeeya,balse ficilkeena iyo goaanadeena ayaa ah natiijada cida aynu nahay”
siyaasigu maanta oo ay ubadan yihiin intii aqoontoodu hoosaysay iyo intii garaadkoodu dhinaa ayaa bulshadii noloshoodii horgale u noqday,sanadihii hore tartan iyo hal abuur dawladnimo ayaa lagu jiray noloshuna xiiso badan oo aan madadaalo ahayn ayay lahayd.
Safarka dheeri talaabo ayuu ka bilaabmaa dalka iyo dadkuba waxay tabayaan doorkii da’yarta dhinaca san wax ka eegta oo iyaguna sabirkoodu yaryahay waqti xaadirkana waxaa taxan silsilad dheer oo aan ula baxay “Darbi doqon dhigay”
hoos udhaca kartida,Hanyarida,qabyaalada,fadeexadaha dadka dhexdooda ah,oo ummadda inbadan caqligooda lagu celceliyay, ugu horayn waxaa marxaladdan lagaga gudbi karaa waa naftaada oo aad kala dagaalanto xumaantaa la qurxiyay
Avoid judgement
Honest and fair
Show compassion
Show respect to others.

Bulshada milgaha leh waxay dhawraan xurmadda iyo xilaha shakhsiga waxay saadaaliyaan arin walba oo dhaca iyo dhibtuu yeelan doono, waxyaabaha maalmahan danbe loo kala qaybsanaa gaar ahaan buugii uu qoray Guri barwaaqo ee sooyaal,yaa garnaqiisa lahaa, yaa masuulka ahaa oo sharcigu siinayaa, malaha waa shaqo Leexsan wax lala yaabo waxaa ahayd Baarlamaanka oo sidii goobaha majlisyada u aqbashay inay meel mariyaan hadalo kala qaybinayana kusii xoojiyay,ninkii yiri masaajidkii loo baxsan jiray ayaa buuqu yaalaa oo qabyaaladi iyadoo loo cumaamaday dhex wadhan tahay miyuu gardarnaa bulshada sharcigii kala badbaadin lahaa ayaa mudan in dawladdu masuuliyad iska saarto.
Cilmiga cusub ee xidhiidhka dadwaynaha iyo sharcigii dawladdu ugu kala garniqi lahayd talow qolooyinka maxkamaddaha, saldhigyada boolisku ma leeyihiin awood aqooneed oo xukumi kartaa khilaafyadda ka dhaca facebook,snapchat,Twitter,what’s up, mise khiyaali ayay ula eegtahay dunidan casriga ahi”alot of things to do”

way yaryihiin inta daacada ka ah inay wanaag isku quudhaan, lamana garan karo maxaa bulshadan ka dhaxeeya ee tooda caamka ah waxtar uleh .

W/qoray: Ahmedyasin sh omar sh Ahmed furre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here