Danjire Nicholas Kay Oo Ka Jawaabay Dalabyo Shir Gudoonka Wakiilada Somaliland Hor Dhigay

0
846

Danjire Nicholas Kay iyo wakiladaHargeysa,(HargeisaPress) —Ergayga Gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Nicholas Kay, ayaa kulan uu la yeeshay Shirgudoonka Wakiilada Somaliland, kaga bixiyay jawaabo dalabyo shir gudoonku u bandhigay.

Qoraal Rasmi ah oo ka soo baxay Golaha wakiilada ayaa lagu sheegay in Nicholas Kay kulanka ugu sheegay inay dhiiri galinayaan wada hadalka Somaliland iyo Somalia, islamarkaana la kordhiyo wadamada ka qayb galaya Shirka

“Ergayga Qaramada Midoobay, ayaa shirguddoonka Golaha Wakiillada u sheegay inay dhiirrigelinayaan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, kuna dedaali doonaan sidii looga shaqayn lahaa hirgelinta qoddobada ka soo baxay wadahadalkaas, isagoo xaqiijiyey inay dhiirrigalinayaan, kana shaqaynayaan in si dhakhso ah dhawaan loo bilaabo wadahadallada Turkiga, waxaannu xusay in wadahadalku marka uu dib u furmo laga doodi doono soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee la xidhiidha in la ballaadhiyo dalalka goob-jooga ka noqonaya miiska Somaliland iyo Soomaaliya ku wadahadlayaan.” Ayaa lagu yidhi Qoraalka Wakiilada

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu yidhi “Waxa kaloo uu caddeeyey inuu Somaliland u soo diri doono dad xafiiskiisa uga warrama arrimaha doorashooyinka, balse aannu xafiiskiisu go’aamin karin inay goob-joogayaal rasmi ah u soo diraan doorashooyinka Somaliland, arrintaasina tahay mid ay go’aamin karaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.”

Dhinaca kale Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa u sharaxay Nicholas Kay Qaddiyada Gooni isku taaga Somaliland iyo inuu Mr Kay kala shaqeeyo taageerida Qadiyadda “Waxa jira waddamo si nabadgelyo ah u kala go’ay sida dalkii la odhan jiray Checkslovakia (qaaradda Yurub) oo hadda noqday Check Republic iyo Slovakia, sida la arkayna ay hadda ka wanaagsanaadeen markii laysku jiray,”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here