Dan qaran iyo Bulsho

0
2487

Dan qaran iyo Bulsho

“Dal shisheeya ah

Ninka u barooranaayee

baradiisu nabad tahay

Waxaan kaaga baqayaa

Inaad baadi noqotee

Cidla baylah keligaa

Yaanu bahalku kugu cunin”

Erayadani waxay ka mid Maansooyinkii hadraawi oo aan yara fadhataystay wax ku daray si aan ujeedayda ugaadho.

Aqoonyahan dooddu way ka leexatay waqti xaadirkan waxaad arkaysaa nin dalkii uu isagu halgan inuu u galo laga filayay ayuu shaki galinayaa isagoo waliba xariif isu haysta balse waxaan kaaga baqayaa inaad baadi noqotee cidla baylah kaligaa yaanu bahalku kugu cunin.

Talaabooyinka positive ka ah ee hogaankaaga iyo dalkaaguba qaday faalo wanaagsan ka bixi taasaa ajar kuugu jiraaye.

“Turn the ship around” waa buug uu qoray nin la yidhaahdo L.David marquet wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa hogaaminta wanaagsan iyo saamayn ay bulshada kaga tagto,marka la eego dhaqdhaqaaqa shaqo iyo abaabulka bulsho dawladdu waxay si togan ula tashataa acyaantii bulshada wadaad,siyaasi,aqoonyahan waa bilow wanaagsan oo positive ah.
waxaa siyaasiyiintu ina dhaxalsiiyeen nidaam qufulan oo dhinac kaliya ujeeda iska caabinta,is difaaca,Qabyaalada ku qadhaabka,boobka waxaa laga yaabaa in aynu garan laanahay wadadii sax nayd ee wax ku qiimayn lahayn.
Buugani Turn the ship around wuxuu jiirada ka saarayaa fahan balaadhana kaa siinayaa hogaanka wanaagsan “Leadership is communicating to people their worth and potential so clearly that they are inspired to see it in themselves.”
Dawladda waxaan ku boorinayaa inay sii wado halgankaa xaalad walba oo ay ku sugan tahay bulshada acyaanteeda wanaagsana la tashato xili walba iyo xaalad walba, dadwaynuhuna waa inay dawladeeda wanaag kasta lagarab istaagtaa dawladda in la naaxiyo ayay inooga baahan tahay.

W/qoray: Ahmedyasin Sh omar Ahmed Fure

Ahyaseen216@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here