Dalliil Muujinaya In Neymar Gannaax Ku Seegi Doono Kulanka Real Madrid

0
1832
Mascherano angry as Neymar could miss Clasico

HargeisaPress —Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa kaadh cas lagaga saaray ciyaartii Barcelona ay guul-darrada kala kulantay Malaga, kaas oo uu ku mutaystay laba khalad oo is xigay oo sababay laba kaadh oo is-xiga oo huruud ah.

Kaadhka hore ayuu ku qaatay si fudud markii uu si dheel-dheel ah isku hor-dhigay laag xor ah oo ay Malaga laaganaysay, hase yeeshee, kaadhka labaad ayaa uu garsoore Gil Manzano go’aamiyey markii uu ka daba-tegay Llorente daqiiqaddii 65aad, waxaana uu si badheedh ah ugu galay khalad ku hoggaamiyey garsoore Gil inuu kaadhka labaad bixisiyo.

Sababaha Ganaax uu ku mutaysan karo

Markii kaadhka cas loo taagay ayaa uu Neymar dood kala hor-tegay garsoore Gil Manzano oo ciyaart dhexdhexaadinayey, markii uu sii baxayayna waxa uu ku qayliyey garsooraha afraad ee ciyaarta.

Daliilka inuu ganaax imanayo

Ganaaxa ciyaaryahannada ay xidhiidhadu ku ridaan, waxa qaybta ugu weyn loo cuskadaa warbixinta garsooruhu ciyaarta kaddib uu u gudbiyo xidhiidhka, taas oo uu kaga warramo dhacdooyinkii ciyaarta.

Hadda, garsoore Gil ayaa warbixintii uu ciyaarta kaddib u gudbiyey xidhiidhka, waxa uu ku sheegay inuu ciyaaryahanka lamabrka 11-aad u xidha Barcelona ee Da Silva Santos J, Neymar uu ku qayliyey garsooraha afraad ee ciyaarta markii uu garoonka ka sii baxayay, waxaana qayb-qoraalkiisa ka mid ah uu ku yidhi sidan:

“Daqiiqaddii 65-aad, ciyaartoyga (lambarka 11-aad) Da Silva Santos J. Neymar, ayaa ciyaarta laga saaray, sababtoo ah: kaadhkii labaad ee huruud ah. Markii la saaray ee uu garoonka ka sii baxayay isagoo qolka lebbiska kusii socda, waxa uu ku qayliyey garsooraha afraad.” sidaas ayuu garsooruhu ku yidhi warbixinta uu xidhiidhka u gudbiyey.

Muddada la ganaaxi karo

Marka uu ciyaartoy garoonka kaga baxo laba kaadh oo huruud ah, waxa uu seegaa hal kulan, laakiin marka uu garsooruhu gudbiyo khaladka ciyaartoyga iyo inuu tacadi kula kacay garsoorka, waxa gadhka loo geliyaa ganaax ugu yaraan laba kulan ah. Xidhiidhka kubadda cagta Spain, ayaa ganaaxa Neymar u cuskan doona qodobka 117 ee xeerka anshaxa, kaas oo hubaal ka dhigaya in uu seegi doono kulanka Clasico ee Real Madrid ay garoonkeeda kusoo dhowayn doonto Barcelona.

Casaanka Neymar wuxuu jebiyey rikoodh wanaagsan

Casaanka la siiyey Neymar ayaa ka dhigaya ciyaaryahankii koowaad ee Barcelona ka tirsan ee kaadh cas la siiyo 59-kii ciyaarood ee u dambeeyey. Sidoo kalena waxa noqonayaa kaadhkii shanaad ee uu qaato intii uu ciyaaraha ku jiray. Saddex kaadh, waxa uu qaatay intii uu Santos u ciyaari jiray, mid kalena xulka qaranka ayuu ku qaatay, halka kaadhkiisa xalayna uu soo afjaray shanta casaan.

HargeisaPress – Sports News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here