Dalladda SONSAF Oo Markii Ugu Horraysay Taariikhda Somaliland Warbixin Ka Diyaarisay Ciidanka Booliska Somaliland

0
1112

Hargeysa, (HargeisaPress) –Dalladda ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada Rayidka Somaliland ee SONSAF, ayaa waxa ay soo saartay Warbixin dheer oo markii ugu horraysay taariikhda Somaliland si mug leh uga hadlaysa, wax bandanna ka caddaynaysa Ciidanka Booliska Somaliland, Duruufaha ku gedaaman iyo sida ay shacabka reer Somaliland u arkaan adeegoodda tan iyo markii ciidankaasi dhidibada loo taagay wax-yar kadib la soo noqoshadii madax-bannaanida Somaliland.

Shabakadda HargeisaPress oo Heshay Nuqul ka mid ah Warbixintan ayaa waxa gabogabadeeda lagu xusay 7 qodob oo talo soo jeedin ah oo la xidhiidha sidii loo horumarin lahaa ciidamada Booliska Somaliland, si adeegga ay bulshada u hayaan noqdo mid ku habboon wixii ciidan looga baahnaa.

Warbixintan ayaa waxa ay dhigan tahay sidan:

Warbixin Ku Saabsan Ciidanka Booliska Somaliland

Hordhac

Qodobka 124 (1) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tilmaamayaa “Ciidanka Booliisku waxa uu uxilsaaran yahay ilaalinta nabadgelyada iyo dhaqan-gelinta xeerarka; qaab-dhismeedkoooda iyo waajibaadkoodana xeer ayaa qeexaya”.

Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa la aasaasay Sannadkii 1994kii , sida muuqatana Ciidanka Boolisku waxa uu horumar la taaban karo ka sameeyay dhismayaasha xarumaha Booliska, nidaamka darajooyinka, qalabka ciidanka iyo tababarkoodaba, hase ahaatee magaalowga sii badanaya, korodhka dadwaynaha iyo fal dambiyeedyada casriga ah ee wakhti xaadirkan waxa ay dibadda u soo saareen sida ay u koobantahay kartida uu boolisku u leeyahay in uu ka hor tago, baadho, isla markaana xakameeyo dambiyada tirada badan ee ka dhaca magaalooyinka waawayn iyo iska hor imaadyada hubaysan ee dhexmara qaar ka mid ah Beelaha Somaliland.

Fulinta sharciga iyo u hogaansamidda Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay laf dhabar u yihiin waajibaadka saaran Ciidamada Booliska Somaliland. Sida uu caddaynayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciidamada Boolisku waxay u xil-saaranyihiin fulinta sharciga iyo ilaalinta nabad-galyada iyo ammaanka dadwaynaha, sidaa awgeed Ciidamada Boolisku waxa ay kaalin muhiim ah ka qaataan deganaanshaha dalka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Wakhti xaadirkan, caqabadaha faraha badan ee ku gadaaman Ciidamada Boolisku waxa ay u baahanyihiin rabitaan wax-qabad oo dhab ah oo ay la timaaddo xukuumaddu iyo qorshe dib u habayneed oo dhamaystiran, kaas oo u horseedi doona qaybaha kala duwan ee Ciidanka Boolisku inay helaan xuquuq dhamaystiran isla markaana shaqadooda u gutaan qaabka ugu wanaagsan, iyada oo wakhtigan dambiyada dhacaa ay yihiin kuwo casri ah oo noocyo badan. Is bedel togan oo lagu sameeyo Ciidamada Boolisku waxa uu horseedi doonaa in la ixtiraamo sharciga iyo nidaamka iyo in la xaqiijiyo nabad-galyada muwaadiniinta.

Dhinaca kale, waxa maqan nidaam iyo hab lagula xisaabtami karo ciidanka Booliska, mana jirto wakhti xaadirkan guddi ama hay’ad madax banaan oo looga dacwoon karo falalka sharciga baal marsan ee mararka qaarkood ay ku talaabsadaan Ciidamada Boolisku, sidaa darteed, Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay walaac ka muujinaysaa la xisaabtan la’aanta Ciidamada Booliska qaybihiisa kala duwan. Sidoo kale, Saldhigyada Ciidanka Boolisku ku leeyihiin magaalooyinku waa kuwo buux dhaafay, nadaafadooduna liito, isla markaana aan wax horumarin iyo balaadhin ah lagu samayn muddo badan, taasina waxa ay khatar ku tahay caafimaadka iyo daryeelka guud ee maxaabiista.

Magaalowga sii badanaya, oo dadku si xad dhaaf ah ugu soo qulqulayaan magaalooyinka, gaar ahaan magaalada Hargeisa oo lagu qiyaasay inay ku noolyihiin 1.5 Milyan oo qof, iyo la koritaan la’aanta xarumaha, qalabka iyo tirada  Booliska ee magaalooyinka ayaa iyana ka mid ah caqabadaha haysta ciidanka Booliska Somaliland.

Cilmi-baadhis ay samaysay SONSAF ayaa muujisay in badi taageerada Bulshada caalamku siiso Ciidamada Booliska Somaliland ay gaar u tahay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalama falalka argagixisada ah sida (RRU). Taageero la’aanta Bulshada Caalamka ee qaybaha kale ee Ciidamada Booliska Somaliland ayaa iyaduna qayb ka ah sababaha kalifay in Ciidamada Boolisku la tacaalaan baahiyaha faraha badan ee uga imanaya Shacabka Somaliland.

Maadaama oo ay inta badan saraakiisha Ciidanka Boolisku ay la soo shaqeeyeen dawladdii kali taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, hab-dhaqanka boolisku waxa uu marar badan u muuqdaa in uu yahay mid aan la jaanqaadi karin himilada dadka reer Somaliland ee ah inay yeeshaan dal Dimuqraadi ah oo la ixtiraamo xuquuqaha muwaadiniinta. Tusaale ahaan, Ciidanka Booliska Somaliland wuxuu marar badan u isticmaalay rasaas nool muwaadiniin si nabad galyo ah usoo banaanbaxay, arrintaas oo inta badan sababta dhimasho iyo dhawaac. Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland iyo difaacayaasha xuquuqda aadamahu waxa ay ku baaqayaan in sida ugu dhakhsaha badan dib-u habayn loogu sameeyo Ciidamada Booliska sida uu waajibinayo Xeerka Booliska ee dhawaan la ansixiyay.

Dib u Milicsi

Ciidamada Booliska Somaliland waxa ay leeyihiin taariikh aasaas oo taxan laga soo bilaabo wakhtigii Somaliland ay ahayd Maxmiyadda Boqortooyada Ingiriiska, wakhtigii xoriyadda ay heshay Somaliland, marxaladdii midowga Somalia iyo Somaliland iyo marxaladdan Somaliland imika ku jirto ee dib ula soo noqoshada madax-banaanida. Ugu horayn Boqortooyada Ingiriiska ayaa aasaastay Ciidanka Xeebaha Sanadkii 1910kii, waxa isla markiiba ku xigay samaynta ciidankii Camel Corps Sanadkii 1912kii, ka dibna waxa la iba furay Ciidanka Booliska Somaliland Sanadkii 1926, ugu dambayna waxa abuurmay Ciidankii loo yaqaanay Somaliland Scouts Sanadkii 1941kii.

Dib ula soo noqoshadii Dalnimada Somaliland 1991kii Ciidanka Booliska Somaliland waxa dib loo aasaasay sanadkii 1994kii, wakhti kooban ka dib burburkii Jamhuuriyaddii Somalia. Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu aasaasay Xeer Lr. 54GW 3 Nov 1994, kaas oo wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyay sanadkii 1995kii.  Ugu dambayna Baarlamanka Somaliland ayaa ansixiyay xeer cusub oo lagu maamuli doono Ciidamada Booliska Somaliland Xeer Lr. 63/2013. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku sharciyeeyay xeerka cusub ee Booliska wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay: JSL/XM/WM/222-06/122017, 26kii bisha December 2017. Gar-yaqaanka guud ee Qaranka ayaa isna faafiyay sharcigan cusub 06/01/2018. Inkasta oo xeerkan cusub la sameeyeylana faafiyay, haddana wali ma noqon mid si toos u wada dhaqan gala.

Xeerka cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland, inkasta oo uu yahay mid tifa-tiran oodhamaystiran, haddana waxa weli ku jira mad-madow sharci. Tusaale ahaanQodobka 21aad oo ka hadlaya darajada iyo dirayska Ciidanka, waxa uu sheegayaa in Xeer gaar ahi qeexi doono nidaamka darajooyinka ciidanka. Sidoo kale Xeerka Booliska ee cusubi ma caddaynayo nidaamka loo marayo magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska. Waxa kale oo aanu xeerku si faah-faahsan u sheegin kaalinta Ciidanka Booliska ee wakhtiyada doorashada oo loo baahanyahay in Ciidanku ahaado dhex-dhexaad ka madax banaan siyaasadda iyo tartanka Axsaabta Siyaasadda.

Waxa iyaduna xaqiiqo ah in nidaamka Somaliland ku gaadhay amnigu uu yahay hab isku dhafan oo ka kooban dhaqanka iyo dawladnimada, kaas oo bilawgii hore suurta-galiyay kalsooni ka dhaxaysa Ciidamada iyo Shacabka, Somaliland-na ka dhigay mid ka mid ah buqcadaha ugu xasiloon Geeska Africa, hase ahaatee, badi waraysiyo ay qaaday SONSAF waxay hoosta ka xariiqeen si loo joogteeyo kalsoonida shacabka iyo Ciidanka Booliska waa in lala yimaado qorshe horumarineed oo muddo dheer ah iyo nidaam isla xisaabtan oo laba geesood ah.

Khataro badan ayaa ka iman kara, haddii la waayo ama ay wiiqanto kalsoonida ka dhaxaysa Ciidamada Booliska iyo Shacabka. Run ahaantii waxa ay ahayd wada-shaqaynta dhaqanka iyo dawladnimada sababtii sahashay hub ka dhigistii iyo qaramayntii ciidan beeleedyadii iyo maleeshiyaadkii hubaysnaa horaantii sagaashamaadkii, hase ahaatee wakhti xaadirkan dad badani waxa ay su’aal galinayaan sida uu nidaamkani u noqon karo mid waara oo damaanad qaadi kara nabad-galyada muwaadinka wakhtiga fog, maadaama oo dalka ay ku soo noq-noqdeen dagaal beeleedyo hubaysan, hay’adaha dawliga ahina aanay ku xoogganayn meelo badan oo dalka ka mid ah. Dhinaca kale, walow Somaliland ay bilowday nidaamka diiwaangalinta hubka fudud, haddana wali waxa gacmaha muwaadiniinta ku jira hub badan oo aan sifo sharci ah loo haysan.

Ujeedada warqadan xog-waranka ahi waxa weeye inay soo bandhigto caqabadaha kala duwan ee ku gadaaman ciidanka Booliska Somaliland iyo sida ay u arkaan dadwaynuhu adeegga ay qabtaan Ciidanka Booliska Somaliland.

U hogaansamidda Booliska ee Xeerka Booliska iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland

Si loo xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta, waa in hab-dhaqanka Ciidanka Booliska Somaliland uu ahaadaa mid waafaqsan Xeerka Booliska iyo Dastuurka Somaliland.Qodobka 3aad ee xeerka cusub ee Boolisku waxa uu si cad u tilmaamayaa ujeedooyinka Ciidanka Booliska. Faqradda 4aad ee isla qodobkaasi waxa ay leedahay “Ciidanka Booliska Somaliland waa in loo tababaraa si waafaqsan shuruucda Qaranka iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Bini-aadamka”. Sidaa awgeed Ciidanka Booliska waxa marar badan lagu eedeeyay in hab-dhaqankiisu aanu waafaqsanayn Dastuurka waddanka, hase ahaatee muwaadiniin badan waxay rajaynayaan in Xeerka Booliska ee dhawaan la ansixiyay uu noqon doono wadiiqo cusub oo horseeda is bedel togan oo ku dhaca Ciidanka Booliska guud ahaan. Waxa iyana mushkiladda sii murgisay in aanu jirin nidaam iyo hab lagula xisaabtamo hab-dhaqanka Ciidanka Booliska, ha ahaato Baarlamanka Somaliland ama guddiyo kale oo Madaxbanaane. Arrintaasi waxa ay dhiiri-galisay in marar badan ay dhacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here