Dallada Ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo golaha Guurtidda ugu baaqday inay Korodhsiimada ku saleeyaan wakhtiga Komishanku u qoondeeyey

0
831

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dallada ay ku bahoobeen Ururadda aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay kaga hadashay dibu-dhaca ku yimi qabsoomida Doorashooyinka, iyagoo Golaha Guurtidda ugu baaqay inay ku saleeyaan muddo kordhinta Heshiiskii saddexda Xisbi iyo Komishanka qaranku wada galeen.

WARSAXAAFADEED

Shir ay isugu yimaadeen ururada aan dawliga ahayn ee Somaliland xarunta daladda jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF 6 dii bisha May 2015 waxay qiimayn ku sameeyeen xaaladda dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka Somaliland. Ururadu waxay si qoto dheer uga doodeen duruufaha ku gedaaman arimaha doorashooyinka iyaga oo maanka ku haya in doorashadu tahay laf-dhabarta hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka taas oo marwalba bulshada rayidka ahi door laxaad leh ka qaadato kobiciisa iyo geedi socodkiisa.

Ururada aan dawliga ahayn waxay 4tii bisha May 2015 codsi u qoreen Golaha Guurtida JSL iyagoo ka codsaday in laga qayb-geliyo wada-tashigyada lagaga arinsanayo doorashada. Laakiin nasiib-darro Golaha Guutidu may tix-gelin codsigaa, bulshada rayidka ahna lagama qayb-gelin wada-tashiyadii laga arinsanayay doorashada.   Dhinaca kale, Ururada aan dawliga ahayni waa daneeyayaal muhiim ah oo ay tahay in laga talo geliyo arimaha dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka. Ururada aan dawliga ahayni waxay walaac ka muujiyeen sifo kasta oo dib u dhac ku keeni karta hanaanka doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay qarsheeyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku isla markaana ay ku raaceen Xisbiyada Siyaasaddu   waxa cad in aan doorashadu ku qabsoomi karin waqtigii markii hore loogu talo galay. Iyaga oo Ururada aan dawliga ahayni ka xun dib u dhaca kast oo doorashada, kuyimaad, waxay isla qaateen in mudo kordhinta xukuumadda iyo Golaha Wakiiladu ay ku salaysnaato baaqii Gudida Doorashooyinka Qaranka kaas oo ay ku cadeeyeen in ay ku qaban karaan doorashada bisha 6aad ee sanadka 2016.

Hadaba, ururada aan dawliga ahayni waxay ka codsanayaan dhamaan daneeyayaasha dimuqraadiyadda Somaliland inay arimaha doorashooyinka u dersaan si hufan oo aan xanaf lahayn oo ujeedadeedu tahay dhawrista sharciga, danta guud iyo horumarka Somaliland. Sidoo kale, waxaanu ku talinayaan in mar hadii go’aanka Gudida Doorashooyinku uu ahaa mid farsamo ay tahay in Guurtidu ku salayso go’aan kasta oo mudo kordhineed oo ay samaynayso.

Ugu dambayn, ururada bulshada rayidka ahi waxa ay ku adag yihiin in mudo kordhinta xukuumadda iyo Golaha Wakiilada lagu saleeyo mudada sanadka ah ee ay soo jeediyeen Gudida Doorashooyinku, isla markaana ay Xisbiyada Siyaasadu ku raaceen.

 

 

Allaa Mahad Leh

Maxamed Axmed Maxamuud

Aagsimaha SONSAF 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here