Dallada SONYO Oo Soo Gabagabeysay Olole Wacyigalineed Oo Ardayda 10 Dugsi Sare Lagaga Wacyigalinayay Balwadaha Xun-Xun + SAWIRRO

0
851

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kadib muddo bil ah oo ay Dallada SONYO ka Waday Dugsiyada Sare Gobalada Somaliland Qaar Ka mida wacyigalin ku saabsan sidii dhalinyarada looga digi lahaa khatarta ay leeyahiin balwdahu iyo iskooxaysiga dhalinyarada ee habeenkii kaasi oo rabshado ku abuura bulshda ayaa soo gaba gabeeyay gudd ahaan ololahaasi. Inaga oo og dhalinyarada wadankastaa kolba sida ay tahay in uu noqdo wadankastaaba isla markaasina loo baahanyahay in kor loo qaado wacyiga iyo dhiirigalinta dhallinyarada, iyada oo laga reebaayo caadooyinka xun xun ee ay ka mid yahiin Balwadaha iyo is kooxaysiga ay dhallinyaradu habeenkii  rabshadaha  ay ku abuuraan,ayaa waxaa ay Dallada dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO iyo SOS waxa Daahfureen horaantii bishani  barnaamij dhallinyarada Dugsiyada Sare lagaga wacyi galinaayo balwadaha xun xun ee ay ka mid yahiin Qaadka iyo iskooxaysiga ay habeenkii dhallinyarada qaar ka sameeyaan xaafadaha taasi oo amni daro ku keenta bulshada ku dhaqan deeganaadasi.

Barnaamijkan oo ahaa mid olole qarana ayaa waxaa  lagu daah furay Dugsiga Gaandi oo ka mida dugsiyada Sare Ee Magaalada Hargeysa,waxaana wacyigalin ku saabsan in ay dhalintu ka waantoobaan balwadaha iyo iskooxaysiga u soo jeediyay xubno ka socda Dallada Dhalinyarada Heer Qaran Ee SONYO iyo SOS sidoo kale waxaa goobtaasi ku sugnaa mid ka mida culimo awdiinka Somaliland oo isna dhankiisa qeyb ka ahaa ololahani balaadhan.

Sidoo kale ololahani ayaa waxaa laga fuliyay dugsiyo kala duwan oo ku kala yaala gobalada dalka waxaana ka mid ahaa dugsiyada Laga Fuliyay Ololahani Qaran,Dugsiya Hargeysa Gacan libaax,26 June, Gaandi,Quule Aadan, Maxamuud Axmed Cali, Berbera, Bursade, Sheekh Maxamed Shire Gaab,Gabiley Qalax. ololahani oo ay iska kaashadeen Dallada SONYO iyo Hay’ada SOS isla Markaasina ay qeyb ka ahaayeen Urur dhalinyaro oo ay ku midoobeen 10-kan dugsi sare oo loo yaqaano DHALLAD, ayaa waxay kaga qaateen maansooyin iyo kalmado lagaga wacyigalinayo sidii dhalinyaradu ay uga joogsanlahaayeen dhamaanba balwadahaasi xun xun.

Maxamed Mahad Dhamac oo ah xubin ka mida Dallada Dhalinyarada SONYO isla Markaasina hogaaminayay dhalinyarada ololaha ka waday iskuulada Hargeisa ayaa waxaa uu mar uu la hadlaayay dhalinyarada Dugsiga Gacan libaax waxaa uu uga sheekeeyay dhibaatooyinka ay leeyahiin Mandooriyayaashu isagoona xusay in dhalinyarada isticmaashaa ay badidoodu noqdeen kuwo nolosha halkii ay ka hiigsanayeen ka dib dhaca isla markaasina qaarkood ay walidiintood ku dhib qabaanwaxaana uu yidhi “Hadii qofku uu noqdo mid laasima balwadahaasi xun xun waxaa uu noqonayaa mid qeyrkii ka hadha isla markaasina waxaa uu noqonayaa mid waxbarashadiisi iyo hankii uu nolosha ka lahaaba god madow ku rida,waxaan idiinka digaynaa hadii aad tahiin dhalinyarada Dugsiga gacan libaax koley waxaad ku jirtaan goobtii aad noloshiina ka dhisi lahaydeen ama aad ka burburin lahaydeen in aad ka fogaataan balwadaha xun xun, waayo manta waynu ognahay inanka isticmaala balwadahaasi ee dhalinyaradiina oo kale ahi in uu yahay mid aan reerkoodu xataa tirsan ee ay lafahooda uga baqaan.”ayuu yidhi.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here