Dallada SONYO Oo Soo Gabagabaysay Shirweynaha Dhallinyarada Somaliland + SAWIRRO

0
928

Hargeysa , (HargeisaPress) —Shirweynaha Dhallinyarada Somaliland muddo laba cisho ka socday Hotelka Ambasaddor ee Magaaladda Hargeysa ayaa galabta la soo gabagabeeyay. Hal-ku-dhiggiisu waa “Mudnaanta sii horumarinta dhallinyarada.” Waxa lagu falanqaynayaa arrimo door ah oo dhallinyarada muhiim u ah, Dhallinyarada Somaliland.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qeyb-galay Munaasibadda 36-guurada ka soo wareegtay maalinta Dhallinyarada Somaliland oo lagu qabtay Hotel Ambassador, waxaana sidoo kale iyaguna weheliyay Wasiiradda Ciyaaraha, Waxbarashadda, Arrimaha Bulshadda, waxaana Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad qiimo baddan oo dhinacyo baddan taabanaysa, taas oo uu si waayo-arragnimo leh ugu hogo-tusaaleeyay muhiimadda ay xukuumaddu siisay da’yarta dalka iyo qorsheyaasha uu hoggaamiye qaran ahaan u hindisay horumarintooda. Guddoomiyaha Daladda SONYO Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo ka hadlay munaasibaddan ayaa ka hadlay qiimaha ay Dhalinyaradu leeyihiin iyo qiimaha ay maalintani ugu fadhido, waxaanay xuseen doorka muuqata ee taladda dalka qeyb muhiim ah uga yihiin dhallinyarada Somaliland.

Kulankan oo qayb ka ahaa xuskan maalinta dhallinyarada Somaliland ayaa waxa soo qaban qabiyay Dallada heer qaran ee SONYO  waxana ka soo qayb galay Aqoon yahanka iyo Ardayda kala duwan u qabteen tababar, kulankasi oo lagu darsayay sidii looga gudbi lahaa caqabaddaha iyo duruufaha kala duwan ee ku xeeran guud ahaanba dhallinyarada Somaliland, iyada oo sidoo kalena lagu soo bandhigay siyaasadda heer qaran ee dhallinyarada Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

LEAVE A REPLY